Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Manchester United v Arsenal.

0
Sunday February 28, 2016 - 12:04:43 in Sports News by
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Manchester United v Arsenal.

    Kulanka: Man United v Arsenal Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 5:05pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:C Pawson

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Man United v Arsenal Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 5:05pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:C Pawson

Manchester Unitedayaa fursad u heysata inay badiso kulankii seddexaad ee isku xigta markii ugu horeysay ee tan iyo bishii November haddii ay garaacaan maanta kooxda Arsenal. Waxaana ay taasi ka dhigi doontaa todobo maalmood oo cajiib ah oo soo martay Louis van Gaal.

Kooxda Arsene Wenger ayaa laga badiyay islamarkaana barbaro gashay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay ciyaareen, laakiin midkoodna labadaas kulan kama tirsaneyn horyaalka, iyagoo shan dhibcood ka danbeeya Leicester City ka dib markii ay iyaga garaaceen koobka FA Cup ka hor guul ay maanta ku gaaraan Old Trafford ayaa noqoneysa mid lagama maarmaan ah si ay u sii wataan hamigooda hanashada horyaalka.

Man United Vs Arsenal

MAXAA KA CUSUB?

Manchester United ayaa qiimeyn doonta Anthony Martial kaasoo guushii khamiista ee kulankii Midtjylland ku seegay dhaawac muruqa bowdada ah.

Kooxda ay dhaawacyada hareeyeen ee United ayaa waxaa bartamihii isbuuca ka maqnaa 14 ciyaaryahan, waxaana ay sidoo kale qiimeyn doonaan xaalada goolhaye David de Gea iyo Chris Smalling.

Arsenal waxaa ka maqnaan doona Alex Oxlade-Chamberlain kaasoo dhaawac jilibka ah uu ka soo gaaray kulankii Barcelona.

Kooxda Gunners ayaa qiimeyn doonta xaalada Gabriel kaasoo ku dhawaanaya inuu ka soo laabto dhaawac muruqa ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United (4-2-3-1): De Gea; Varela, Blind, McNair, Riley; Schneiderlin, Carrick; Lingard, Mata, Depay; Rashford.

Arsenal (4-2-3-1): Cech; Monreal, Koscielny, Mertesacker, Bellerin; Ramsey, Coquelin; Welbeck, Ozil, Sanchez; Giroud.

MA OGTAHAY?

  • Arsenal ayaan badinin sideedii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay booqdeen Old Trafford iyadoo laga badiyay lix ka mid ah.
  • Si kastaba, Gunners ayaa ku badisay Old Trafford kulan ka tirsanaa FA Cup xilli ciyaareedkii hore.
  • Guul ay gaareen ayaa la micno noqon doonta in Manchester United ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee heerka koowaad ee 50 guul gurigeeda kaga gaarta Arsenal.
  • Arsenal ayaa dhalisay in ka badan hal gool kaliya hal kulan oo ka mid ah 23kii kulan ee Premier League ee ay booqdeen Old Trafford, waana kulankii 8-2 looga badiyay 28kii bishii August 2011.
Saadaalin Ka Bixi Kooxda Guulaysan Doonta Kulanka Man United Vs Arsenal
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip