Turkiga & Midowga Yurub oo ku dhow heshiis cusub

0
Tuesday March 10, 2020 - 20:38:56 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga & Midowga Yurub oo ku dhow heshiis cusub

    Turkey ayaa rajeyneysa inay heshiis cusub oo lagula tacaalayo qaxootiga la gaarto Midowga Yurub ka hor kulan madaxeedka xiga ee ururka, waxaa sidaas Talaadada sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu. "Haddii aan heshiis gaarno ka h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkey ayaa rajeyneysa inay heshiis cusub oo lagula tacaalayo qaxootiga la gaarto Midowga Yurub ka hor kulan madaxeedka xiga ee ururka, waxaa sidaas Talaadada sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu. "Haddii aan heshiis gaarno ka hor 26-ka March, markaasi oo uu dhacayo kulan madaxeedka hogaamiyayaasha Midowga Yurub, arrintan waxay qeyb ka noqon doontaa ajendaha kulanka," ayuu yiri Cavusoglu.

"Waxaan diyaar u nahay shaqo miro-dhal ah,” ayuu ku daray.

Mevlut Cavusoglu ayaa hadlayey maalin kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erodgan uu wada-hadallo xasaasi ah magaalada Brussels kula yeeshay madaxweynayaasha Midowga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel.

Go’aanka ay Turkey dhammaadkii Febraayo xuduudda ugu furtay qaxootiga doonaya inay gaaraan Yurub ayaa khilaaf ka dhex dhaliyey ayaga iyo Midowga Yurub iyo dalka ay jaarka yihiin ee Greece.

"Haddii ay noqoto inaan waddo isku raacno Midowga Yurub, waxaan ka fileynaa inay daacad noqdaan. Ma ahan kaliya inaan hayno qaxootiga inaga oo ku bedelaneyna lacag,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu.

Turkey ayaa 2016 ogolaatay inay qaxootiga ka hor-istaagto inay u gudbaan Yurub ayada oo ku bedelaneysa lix bilyan oo dollar, iyo wada-hadallo lagu abuurayo xiriir dhow.

Hase yeeshee Turkey waxay sheegtay inaysan wada-helin dhammaan lacagtii, islamarkaana ballan-qaadyadii kale – oo ay ku jireen horumarinta xiriirka ganacsiga iyo dal-ku-galka – aan laga dhabeyn.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip