Cristiano Ronaldo Oo Sheegay In QALAD Laga Fahmay Hadalkii Bahdilaada Ku Ahaa Ciyaartoyda Kooxdiisa Madrid Iyo Ronaldo Oo Hadalkiisa Dib U Saxay

0
Sunday February 28, 2016 - 12:02:51 in Sports News by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Sheegay In QALAD Laga Fahmay Hadalkii Bahdilaada Ku Ahaa Ciyaartoyda Kooxdiisa Madrid Iyo Ronaldo Oo Hadalkiisa Dib U Saxay

    Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa saxaafada la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankii Madrid Derby ee xalay ka dhacay Santiago Bernabeu wuxuuna Ronaldo cadho ka muujiyay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa saxaafada la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankii Madrid Derby ee xalay ka dhacay Santiago Bernabeu wuxuuna Ronaldo cadho ka muujiyay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Atletico Madrid balse Ronaldo ayaa sidii aanu idii aanu hore idiinku soo gudbinay saxaafada u sheegay in ciyaartoydii kooxdiisa ugu fiicnayd ay dhaawac yihiin.

Laakiin Ronaldo ayaa saxaafada u sheegay hadal muran badan dhaliyay oo ay saxaafada Spain u aragtay in Ronaldo uu ku bahdilay ciyaartoyda kooxdiisa.Balse Ronaldo ayaa mar labaad saxaafada la hadlay si uu u saxo waxa uu ku tilmaamay in hadalkiisa la qalad fahmay.

Ronaldo ayaa hadalkiisii hore uu ahaai:"Aniga way iga cadhaysiisaa in dadku ay sheegaan in Cristiano bandhigiisii uu dhibtooday isla markaana ayay taasi sabab utahay in Real Madrid ay dhibtooto. Haddii uu qof kastaaba aniga ila heer ahaan lahaa waxaanu ku jiri lahayn halka ugu saraysa”.Ronaldo

Laakiin Ronaldo oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi:"anigu qof kooxdayda ka mid ah hoos uma dhigayo, laakiin marka ay ciyaartoydaada ugu fiican maqan yihiin sida Gareth Bale, Karim Benzema…. anigu waxaan jecelahay la ciyaarista Karim, la ciyaarista Bale, la ciyaarsita Marcelo. Anigu ma lihi in Jese Rodriguez , Lucas Vazguez ama Mateo Kovaic aanay ahayn ciyaartoy fiican laakiin…..”.

Haddba Cristiano Ronaldo oo hadalka sare saxaya isla markaana ku dooday in la qalad fahmay ayaa yidhi:"Hadalkaygii kulanka ka danbeeyay si qaldan ayaa loo turjumay, anigu maan sheegayn in aan anigu qof kale ka fiicanahay, waxaan tixraacayay dhaawacyada. Kooxdu waxay dhaawcyo ku wayday ciyaartoy badan oo muhiim ah sida Pepe Bale, Benzema, Marcelo… taas ayaa anaga dhib noogaysatay waxayna naga hor joogsatay in aanu gaadho heerkayagii caadiga ahaa”

.Ronaldoo

Intaa kadib Ronaldo ayaa sheegay in uu ixtiraamka ugu badan u hayo ciyaartoyda kooxdiisa wuxuuna yidhi:"Anigu waxaan ixtiraamka ugu sareeya u hayaa ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay, waligayna maan doonin in aan iyaga weerar ku qaado. Anigu iskuma tixgaliyo in aan qof kale ka fiicanahay” ayuu Ronaldo u sheegay jariirada AS ee Madrid ka soo baxda si uu hadalkii hore u saxo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip