Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

0
Tuesday March 10, 2020 - 20:35:08 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

    Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehliyo madaxwyne Ku-xeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta oo Taalado ah kulan la qaatay, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehliyo madaxwyne Ku-xeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta oo Taalado ah kulan la qaatay, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland. War-saxaafadeed kulankaasi kadib ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan, ay ka wada hadleen, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha. "Madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha."Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Safiirka Jabuuti iyo wefdigiisa oo maalintii shalay booqday dekedda Cusub ee laga dhisayo degaanka Garacad, ayaa soo kormeeray sida ay u socoto howsha dhismaha dekedda, kulankaas ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi iyo Mas'uuliyiin kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip