Ciidamada Soomaaliland oo Garoonka Hargeysa ku xiray Nin Ajnabi ah

0
Tuesday March 10, 2020 - 20:29:52 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Soomaaliland oo Garoonka Hargeysa ku xiray Nin Ajnabi ah

    Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa waxaa ay ka xireen Nin Ajnabi ah oo watay Xayawaanka loo yaqaano Caasha Barida,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu si sharci arro ah wadanka uu ugala baxayay. Shir ja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa waxaa ay ka xireen Nin Ajnabi ah oo watay Xayawaanka loo yaqaano Caasha Barida,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu si sharci arro ah wadanka uu ugala baxayay. Shir jaraa'id oo uu Maanta Hargeysa ku qabtey Taliyaha Waaxda Dabi baarista Booliska Soomaaliland ahna Afhayeenka Booliska Feysal Xiis Cilmi ayuu ku sheegay in Ninkaasi uu si sharcidarro ah uu u ugaarsadey Xayawaanka Caasha Barida,isla markaana lagu qabtey,isaga oo watay 300 oo Xabo. Ninkaas oo Booliska uusan shaacin dalka uu u dhashay ayaa waxaa ay sheegeen Boolisku inay baaritaan ku hayaan ,kadibna Maxkamad ay horgeyn doonaan. Ma ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale loosoo qabto dad si sharci darro ah isku dayaya inay dalka ugala baxaan duurjoog gaar ahaan Xayawaanka Caasha barda, balse waxaa horaantii sanadkii lasoo dhaafay sidan oo kale loogu qabtey gudaha Somaliland rag sita 70 xabo oo Caadha barida ah kuwaas oo maxkamad ku xukuntay markii danbe sanad iyo dheeraad xarig ah . .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip