Wasiir kale oo laga helay Cudurka Coronavirus

0
Tuesday March 10, 2020 - 20:28:28 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir kale oo laga helay Cudurka Coronavirus

    Fayraska Corona wuxuu si aad ah ugu dhacay oo ku faafay dalka Shiinaha, laakiin wuxuu ku sii fiday bariga dhexe, Yurub, Ameerika iyo Afrika taasoo ku kaliftay dalal badan inay qaadaan tallaabo adag oo lagu xakameynayo cudurkan oo inta la ogyahay illa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fayraska Corona wuxuu si aad ah ugu dhacay oo ku faafay dalka Shiinaha, laakiin wuxuu ku sii fiday bariga dhexe, Yurub, Ameerika iyo Afrika taasoo ku kaliftay dalal badan inay qaadaan tallaabo adag oo lagu xakameynayo cudurkan oo inta la ogyahay illaa iyo hadda ku dhacay110,000oo caalamka kala jooga isagoo dilay in ka badan3,800oo qof. Dalka Faransiiska wararka kasoo baxaya waxay sheegayaan in Wasiirka Dhaqanka dalkaasi France oo lagu magacaabo Frank Rester in baaritaan caafimaad oo lagu sameeyey kadib lagu ogaaday inuu la nool yahay caabuqa Corona. Wasaaradda Dhaqanka ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in Wasiir Frank Restier lagu sameeyey baaritaan ku saabsan viruska Corona isla markaana natiijada ka soo baxday ay tahay mid sax ah, taas oo macnaheedu yahay in uu ku dhacay fayraska Corona. Wasiirka dalxiiska ayaa la sheegay in maalmihii danbe uu kamid ahaa guddiyo kala duwan oo Dawladda France u xilsaartay xakamaynta Crona Firus, waxaana haatan loo diiday inuu la kulmo madaxweynaha France Emmanuel Macron. Cudurka Corona wuxuu gudaha dalka France ku dilay 25 qof gudaha faransiiska isagoo ku dhacay ama saameeyey 1,412 qof dadkaas oo dhamaantoodba ku nool gudaha France waxaanagu lagau karantiilay isbitaalo gaar ah oo loo asteeyey daweynta dadka qaba Caabuqa Crona.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip