Laftagareen oo shaaciyey xilliga uu Maamulka u guurayo Baraawe

0
Tuesday March 10, 2020 - 20:24:49 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laftagareen oo shaaciyey xilliga uu Maamulka u guurayo Baraawe

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Xubnihii ugu badnaa ee Wasiirada Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin degmada Baraawe,isla markaana la filayo inay ku Shaqeeyaan. Waxaa uu sheegay in dhamaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Xubnihii ugu badnaa ee Wasiirada Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin degmada Baraawe,isla markaana la filayo inay ku Shaqeeyaan. Waxaa uu sheegay in dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada iyo madaxda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed u soo guurayaan Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Koonfur Galbeed,wasiir walbana uu diyaarsanayo halkii uu ku Shaqeyn lahaa. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka Konfur Galbeed uu qorshaha ugu jiro in la dhiso wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo degmada Baraawe si howlaha Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed ay ka qabanayaan degmadaas ay u fududaato. Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) waxaa uu ka sheegay munaasabad soo dhawyen oo loogu sameeyey degmada Baraawe. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip