SAWIRRO: Jose Mourinho Oo Ku Soo Laabtay Galbeedka London Isagoo Ciyaar La Daawaday Caawiyihiisa Uu Jecel Yahay Rui Faria.

0
Sunday February 28, 2016 - 12:01:25 in Sports News by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Jose Mourinho Oo Ku Soo Laabtay Galbeedka London Isagoo Ciyaar La Daawaday Caawiyihiisa Uu Jecel Yahay Rui Faria.

    Jose Mourinho ayaa ku qaatay galabnimadii shalayto galbeedka London iyadoo tababaraha reer Portugal uu daawaday kooxda Fulham oo la ciyaareysa kooxda ay horyaalka heerka labaad ee Ingariiska ku xafiiltamaan ee Middlesbrough.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa ku qaatay galabnimadii shalayto galbeedka London iyadoo tababaraha reer Portugal uu daawaday kooxda Fulham oo la ciyaareysa kooxda ay horyaalka heerka labaad ee Ingariiska ku xafiiltamaan ee Middlesbrough.

Mourinho iyo ninka caawiyaha u ah ee uu aaminsan yahay Rui Faria ayaa fadhiyay garoonka iyagoo taageerayay saaxiibkiisii hore ee Real Madrid Aitor Karanka iyadoo Middlesborough ay ku badisay 2-0 waxaana ay uga mahadcelinayaan Albert Adomah iyo Grant Leadbitter.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa xiriir la leh labada kooxood iyadoo wiilkiisa Jose Mario Mourinho Jr uu goolhaye u yahay kooxda akadeemiga Fulham ee da’dooda ay ka hooseyso 16 sanno jirada.

Mourinho ayaana laga yaabaa inuu isha ku hayay kooxda u sharaxan inay Premier League ku soo laabato ee Middlesbrough isagoo isku diyaarinaya inuu horyaalka Ingariiska ku soo laabto xilli ciyaareedka danbe.

319CDDB900000578-0-image-a-1_1456588275743

53 jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu Louis van Gaal ka bedeli doono shaqada Manchester United xagaaga, iyadoo wararka qaar ay soo jeedinayaan inuu heshiiska dhanka afka ah kula jiro kooxda.

Mourinho ayaa dhawaan sheegay inuu doonayo inuu shaqada tababarenimo ku soo laabto dhamaadka xilli ciyaareedka halkii uu ku soo laaban lahaa bartamaha xilli ciyaareedkan.

"Waxaan mar walba dareemaa inay fiican tahay in la sugo, inaan la degdegin, waxaa fiican in la isdejiyo, in la sugo waqtiga ugu haboon iyo u dhaqaaqista ugu fiican” ayuu yiri Mourinho.

319CD7E400000578-0-image-a-2_1456588305311

319D4E2E00000578-0-image-a-3_1456588340831

319CE19900000578-3467125-Mourinho_acknowledges_supporters_at_Craven_Cottage_in_west_Londo-m-21_1456588883176




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip