Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre oo gaaray magaalada Baraawe

0
Monday March 09, 2020 - 13:26:30 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre oo gaaray magaalada Baraawe

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soo maaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soo maaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

      Wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.

      Xubnaha la socda Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah , Wasiirka Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Fiqi iyo Xubno kale, iyagoona halkaasi mashaariic kala duwan ka fulin doono.

         "Waxaan maanta Safar aan ku nimid aniga iyo Wasiiro ka tirsan XFS, degmada baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur galbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashada” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.


            Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigan ay hordhac u yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo lagu wado in uu xariga ka jaro mashaariic laga hirgeliyay degmada Baraawe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip