Kenya "Soomaaliya Dhab kama ahan inay dooneyso in loo soo gacan geliyo wasiir Janan.."

0
Monday March 09, 2020 - 13:20:03 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya "Soomaaliya Dhab kama ahan inay dooneyso in loo soo gacan geliyo wasiir Janan.."

    Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa lagu daabacay in dowladda Kenya ay sheegtay inay ogtahay in Soomaaliya aysan dhab ka ahayn inay dooneyso in loo soo gacan geliyo wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Janan, oo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa lagu daabacay in dowladda Kenya ay sheegtay inay ogtahay in Soomaaliya aysan dhab ka ahayn inay dooneyso in loo soo gacan geliyo wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Janan, oo ka soo baxsaday Muqdisho, kuna sugan magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari kenya.

Madaxda ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Soomaaliya aysan weli Kenya usoo gudbin dalab ku saabsan soo dhiibista Janan, maadaama dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhexeeyo heshiis wada-shaqeyn oo dhanka cadaaladda ah.

      "In arrintan si shaacsan loo dalbo, waxaa laga lahaa qorshe siyaasadeed qarsan. Arrimaha noocan ah waxaa loo xaliyaa si doblomaasiyadeed oo qarsan,” sidasi waxaa sheegay diblomaasi ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay wuxuu qaabilay wafdi uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Fred Matiang’i, iyagoo madaxweyne Farmaajo u soo gudbiyay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip