Raiisal wasaaraha Dalka Sudan oo ka badbaaday isku day dil.

0
Monday March 09, 2020 - 13:08:57 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raiisal wasaaraha Dalka Sudan oo ka badbaaday isku day dil.

    Ra'iisal wasaaraha Sudan Abdullah Hamduuk ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala beegsaday gaarigiisa oo marayey caasimada Sudan ee Khartoum.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaaraha Sudan Abdullah Hamduuk ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala beegsaday gaarigiisa oo marayey caasimada Sudan ee Khartoum.

       Shilka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka xilli uu ka sii baxayey gurigiisa oo ku yaal aagga Kafouri una sii socday goobtiisa shaqo ee Golaha Wasiirrada Sudan, iyadoo Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ay u sheegay BBC qeybteeda dibadaha lahadasha in gaariga uu ku qarxay qeybta hoose ee buundada loo yaqaan koobir , taasoo isku xirta magaalooyinka Khartoum iyo Bahri, halkaas oo kolonyada Raiisul Wasaaraha ay ku safrayeen.

        Warka ayaa intaas ku daray in Hamduuk iyo shaqaalihiisuba aysan wax khasaaro ah soo gaarin oo ay bed qabaan, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Ra’iisalwasaare Hamduuk.



             Hamduuk wuxuu qabtay jagada Raii salwasaaraha kadib afgembigii xukunka Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan al-Bashiir, taas oo ku timid ka dib mudaaharaadyo ballaaran oo muddo ka socday dalka suudaan oo dhan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip