Wiil Dhallinyaro ah oo isku dilay Buuraha Ahraamta

0
Monday March 09, 2020 - 11:59:44 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Dhallinyaro ah oo isku dilay Buuraha Ahraamta

    Wiilkan dhallinyarada ah oo kasoo jeeda dalka Masar ayaa wararku sheegayaan inuu si bareer ah isu dilay isagoo iska soo tuuray buur kamid ah buuraha taariikhiga ah ama ahraamta dalka Masar, taasoo dhererkeedu yahay 136 miter. Wasaaradda dhaqanka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilkan dhallinyarada ah oo kasoo jeeda dalka Masar ayaa wararku sheegayaan inuu si bareer ah isu dilay isagoo iska soo tuuray buur kamid ah buuraha taariikhiga ah ama ahraamta dalka Masar, taasoo dhererkeedu yahay 136 miter. Wasaaradda dhaqanka dawladda Masar ayaa sheegtay in wiilku uu iska soo tuuray meel sare kadibna oo dhulka ku dhacay isagoo mayd ah maadaama ay buurtu aad u dheerayd isaguna uu ahaa wiil aad u da'yar.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay baaritaan xoogan ku wado waxyaalaha sababay inuu iska soo tuuro buurta dheer isla markaana ay soo bandhigi doonto xogta ku saabsan arrintaas.

Ciidamada nabadsugida ayaa sheegay inay ogaadeen in wiilka dhalinyarada ah uu buurta fuulay isagoo aan qaadan digniintii ay siiyeen ilaalada ahraamta masar isla markaana uu ka baxsaday ilaalada markii uu dusha sare tagayna oo si toos ah isu soo tuuray.

Laamaha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in baaritaano hor dhac ah oo la sameeyey ay sheegayaan in wiilka dhalinyarada ah uu maskax ahaan xanuusanaa isla markaana uu ahaa qof aan la ilaalin karin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip