Jurgen Klopp Oo Si Dadban U Duray Man City Isagoo Sheegay Inuusan U Baahneyn Lacag Badan Si Uu Koobab Ugu Guuleysto.

0
Sunday February 28, 2016 - 11:58:31 in Sports News by
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jurgen Klopp Oo Si Dadban U Duray Man City Isagoo Sheegay Inuusan U Baahneyn Lacag Badan Si Uu Koobab Ugu Guuleysto.

    Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan u baahneyn lacag inuu dhiso koox awooda inay la tartanto Manchester City. Macalinka Liverpool ayaa isku dayi doona inuu hanto koobkiisii ugu horeysay ee Reds isagoo doonaya inuu guul ka gaaro kooxda Manuel Pellegrin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan u baahneyn lacag inuu dhiso koox awooda inay la tartanto Manchester City. Macalinka Liverpool ayaa isku dayi doona inuu hanto koobkiisii ugu horeysay ee Reds isagoo doonaya inuu guul ka gaaro kooxda Manuel Pellegrini finalka Capital One Cup ee maanta ka dhacaya Wembley.

Laakiin waxa uu durbaba ka warqabaa in lacagta loo diyaarin doono inuu dib ugu dhiso kooxdii uu ka dhaxday Brendan Rodgers inay noqon doonto mid xadidan.

Liverpool-v-FC-Augsburg-Europa-League-Round-of-32-Second-Leg

Klopp ayaa yiri: "Ma ahan wax la xiriira suuqa kala iibsiga, ciyaaryahanka saxda ah, lacag badan.

"Waxba igama gelin. Haddii aan heysano lacag, markaas waan qaadaneynaa waana isticmaaleynaa.

"Haddii aanan heysanin, ma dhaheyno ‘ma heysano lacag nagu filan’ – waxaan isku dayayaa wado kale.

"Waxaan ahay si sabar ku filan heysta. Waxaan jeclaan lahaa inaan badiyo kulan walba, waxaana dareemaa niyadjab aad iyo aad iyo aad u weyn ka dib marka ay guuldarro na soo gaarto.

"Laakiin subaxa xiga, qoroxda waa ay soo iftiintaa, waxaadna heysataa fursad aad ku sameyso wax cusub. Waana waxa aan ku jeclahay shaqadaan.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip