Boqor Salmaan oo qaaday tallaabo uu ku beeninayo warar dhowaan laga faafiyey

0
Monday March 09, 2020 - 11:43:48 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Salmaan oo qaaday tallaabo uu ku beeninayo warar dhowaan laga faafiyey

    Boqor Salmaan oo qaaday tallaabo uu ku beeninayo warar dhowaan laga faafiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Salmaan oo qaaday tallaabo uu ku beeninayo warar dhowaan laga faafiyey

Sida ay barteeda Twitter-ka kusoo qortay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan SPA, waxaa garabka boqorka kasoo muuqday Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, Wasiirka Arimaha Dibadda, iyo kaaliyaha xoghayaha gaarka ah ee dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Tamim bin Abdulaziz Al-Salem, iyadoo uusan meesha joogin dhaxal-suge Mohamed bin Salman.

Valueimpression Placeholder

Goor hore oo maanta ah, wakaaladda wararka eeAssociated Pressoo soo xigatay sarkaal Mareykan ah ayaa sheegtay in boqorka Sucuudiga uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay uuna ka soo muuqday kulankiisii uu la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, kaasoo ka dhacay magaalada Riyadh 20-kii bishii Feberaayo, iyadoo labada Mas’uul ay ka wada hadleen dagaalka Sacuudiga hoggaaminayo ee Yeman, qaabkii loo wajihi lahaa Iiraan, Dagaalka Suuriya iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Ilaa hadda lama helin xaqiiqda xarigii loo geystay amiiro badan oo ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga, laakiinWall Street JournaliyoNew York Times, oo soo xiganaya ilo wareedyo xog ogaal ah, waxay xaqiijiyeen in xubno ka tirsan ilaalada boqortooyada ay xireen labada amiir, Ahmed bin Abdulaziz, oo la dhashay Boqorka, Iyo dhaxal sugihii hore ee Boqortooyada Muxamed bin Nayef subaxnimadii Jimcaha kadib markii lagu soo oogay Khiyaano qaran, waxaana laga yaabaa inay wajahaan daldalaad ama xabsi daa’in.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip