Somaliland oo Joojisay Bixinta Ruqsada Kalluumaysiga

0
Monday March 09, 2020 - 09:24:40 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Joojisay Bixinta Ruqsada Kalluumaysiga

    Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo kalluumeysiga Soomaaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen ruqsadda Ganacsi oo ay horay u siin jireen Kalleemeysatada Ganacsi. Waxaa uu sheegay Wasiirka in tallaabadaan ay uga gol le

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo kalluumeysiga Soomaaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen ruqsadda Ganacsi oo ay horay u siin jireen Kalleemeysatada Ganacsi. Waxaa uu sheegay Wasiirka in tallaabadaan ay uga gol leeyihiin inay dhawaan soo saari doonaan siyaasad lagu xakameynayo Kalluumeysatadda kala duwan ee xaalufiya kheyraadka ku jira Badda, iyo heshiisyaddii suuqgeynta ahaa ee lala galayey dalka qaarkood. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa inatasi kud aray Wasiirka in Wasiirkii isaga ka horeeyey uu Afar Markab siiyey ruqsado Kalluumeyso,hayeeshee Afartaasi Markab iyo heshiiskii lala galay ay dib u eegis ku sameyn doonaan. "Waxaa aan go'aansaney Kheyraadka ku jira Badda kuwa Iibka galaya iyo sida loo ilaashan karo in aanan cid danbe heshiis la gelin, shuruucdii lagu xakameynayay Maraakiibtan kheyraadka baabi'iya waxna wey diyaarsan yihiin waxana dib u egeynaa heshiisyada lala galay Kenya, Eritrea, Jabuuti ayuu yiri" Wasiirka Soomaaliland ayaa dhowr jeer sheegtay inay jiraan maraakiib Shisheeye kuwaas oo xaalufin ka wada Kheyraadka ku jira Badda marta deegaanana Soomaaliland,iyaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip