HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER9-3-2020

0
Monday March 09, 2020 - 09:21:53 in Wararka by
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER9-3-2020

    Madaxweyne Farmaajo oo ka guddoo may Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalkaas Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farm aajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Guda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo ka guddoo may Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalkaas Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farm aajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Ke nya Mudane Fred Matiang'i ayaa ka guddoomay dham baal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Md. Uhuru Kenyatta. Madaxweynaha ayaa la wadaagay waf diga Dowladda Kenya ee soo gaaray dalka muhiimadda ay leedahay ka miro-dhalinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha am ni,dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan 2da dal, isagoona rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada 2da dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo xoojin lahaa is kaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Md.Fred Matiang'i ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowla dda Soomaaliyeed. Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweyn aha J/F/Soomaaliya ayaa salka ku haya sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin la haa hannaanka iskaashi ee 2da dowladood iyo isweydaarsiga aragtida guud ee xiriirka labo geesoodka ah, iyada oo la xaqiijinayo xasilloonida iyo danaha wadajirka ah ee heer Gobol. Madaxweyne Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Md.Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho. Madaxweynaha kulankan waxaa ku wehe liyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS Md. Cabdi Ma xamed Sabriye, W/Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Md. Cabdulqaadir Sh. Cali (Baqda adi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooya da Md.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Kheyre "Haweenka Somaliyeed Kaalin Weyn Ayey Ka Qaateen Badbaadinta Qaranka”

R/Wasaaraha JFS Md. Xasan Cali Kha yre oo gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaali yeed ugu hambalyeeyay maalinta 8-dda Maarso ayaa caddeeyay in haweenka Soom aaliyeed ay yihiin hoggaamiyayaal, barbaari yayaal, dhaqaale abuurayaal, colaaadd dem iyayaal iyo isku xirayaasha bulshada.

"Hamblayo dhammaan haweenka Sooma aliyeed. Waxaad kaalin weyn oo lama illooba an ah ka qa adateen badbaadinta Qaran ke ena.

Waan idinku bogaadi nayaa sida aad ugu he ellan tihiin dib-u-dhiska dalka iyo dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri R/Wasaare Xasan khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta Haweenka Aduu nka ee 8-da Maarso.

Xildhibaano sheegay in Shalay ishor-istaag lagu sameeeyey

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaannada G/Shacabka ayaa sheegay in Shalay xilli ay howlo Shaqo ugu socdeen dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee M/Muqdisho is hor-istaag lagu sameeyey.

Wareysi uu siiyey Idaacadda Risaala ee M/Muqdisho Xildhibaanka waxaa uu ku she egay in Bar-koontorool oo ku taalla halka la ga galo Garoonka kuna dhow Isgoyska km4 loo diidey inay ilaaladooda kala gudbaan lo ona sheegay inay ilaalada halkaasi ku reebaan.

Waxaa uu hadalkiisa in taasi ku daray in go’aanka Ciidamada u cuntami wey say,isla markaana ay go’a ansadeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda kana joogaan Sha qadii iyo shir ay ka qeyb-geli lahaayeen.

Dhinaca kale Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in horey ay dhibaatooyin kala du wan ugu qabeen in mararka qaar Ciidamada ilaalada u ah looga yeero Xerooyinka iyo gu utooyinka ay ka tirsan yihiin taasina ay sab ab u noqoto inay ilaalo la’aan noqdaan.

Xukuumadda Somaliland oo ka Jawaab tay War-saxaafadeed ka soo baxay James Swan

Xukuumadda JSL ayaa cambaareysay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay James Swan oosheegay inuu ka shaqeynayo nidaamka doorashooyinka Soo maaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleeb aan Yuusuf Cali Koore ayaa Shalay soo saa ray war-murtiyeed uu kaga jawaab celiyey hadallo ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, war-saxaafadeedkaas oo soo ay soo turjuntay Wakaala dda Wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuu u qor naa sidan:-"Xukuumadda Jamhuuriy adda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saarayWakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Ja mes Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nida amka doorashooyinka Soomaaliya oo Somal iland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid sa amanaya xaqiiqada ka jirta J/Somaliland ma dax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaam keeda dimuqraadiyadaba.

Dhawaaqa ka soo yeeray Wakiilka Xo ghayaha Guud waxa uu ka hor imanayaa QM oo sheegta inay daacad ka tahay siyaa sadda mandaqadda.

XJSL waxay cambaaraynaysaawar-sax aafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay oo ay u aragto daandaansi iyo fa rogelin uu ku sameeyey xornimada Soma iland iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadal kiisuxushmad darro ku yahay hannaanka dimuqraadiyadda JSL iyo horusocodkii aysameynaysay tan iyo xiligii ay madax-banna anideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii.

Somaliland waxay guulo waaweyn ka gaaray oo u qabsoomay doorashooyin lagu guulaystay oo ku saleysan hal qof iyo hal cod iyo hab nabadgelyo ah oo hoggaamiye yaasha Somaliland ay xilka iskugu wareej iyeen.”

War-saxaafadeedka Xukuumadda Soma liland waxa lagu sheegay in afti qaran loo qa aday dastuurka JSL sannadkii 2001dii, isla markaana shacbiga Somaliland si sharciya u soo doorteen Wakiilladooda iyo dawladoo da, iyadoo Q/midoobay oo Somaliland xiriir la laheyd 30kii sannadood ee la soo dhaafay ay siwanaagsan uga war-qabto arrimaha as. Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wux uu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Q/midoobay ay garab istaagto na badgelyada iyo xasiloonida mandaqada.

War-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka X/Somaliland waxa kaloo lagu bayaamiyey in siyaasadeynta iyo farog elinta Wakiilka Xoghayaha Q/midoobay aywaxyeeli doonto himiladii laga qabay dib u bilaabista wadahadalada beesha caalamku doonaysay inay u qabato J/Somaliland iyo Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan laba ad dan cilaaqaadkooda mustaqbalka.

XJ/Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil ka sta oo ihaanno iyo liddi ku ah nidaamka dim uqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xorn imada Somaliland oo ay taabogeliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay Xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kala shaqeey aan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqada.” Xigasho: SOLNA


Maamulka G/Banaadir oo la wareegaya qaadista imtixaanka fasalka 8-aad

Waxaa Shalay Xarunta Wasaarada Wax barashada Hidaha iyo tacliinta sare ee XFS ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda Wasaarada Waxbarashada iyo ma amulka G/Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa shaacinta gudiga diyaarinta xiliga kala guur ka Waxbarashada gobolka Banaadir.

Gudigaan ayaa ka kooban 8-Xubnood oo 4-kamid ah yihiin Wasaarada waxbarashada halka afarta kale ay yihiin maam ulka G/Banaadir kuwaas oo 3-bil ood ee soo soco ta ka shaqeyn doono da’dajinta sidii Wasaarada Waxbara shada ay usoo wareejin laheyd shaqooyinka waxbarashada G/Banaadir iyo sidoo kale ta yeynta xafiiska Waxbarashada G/Banaadir.

War-Saxaafadeed laga soo saarey kulan ka ayaa waxaa lagu sheegay in Inta uu kul anka socday la isku fahmay in G/Banaadir uu la wareego qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo

sanad dugsiyeeskan ugu horeeya.

Maxamed Bin Salmaan oo xiray 17 amiir oo kale, soona rogay AMAR yaab badan

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa xabsiga dhigay 17 amiir oo kale, maalin kadib markii ay soo shaac bax day inuu xiray saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya dalka.

Amiirada cusub ee la xiray ayaa la rumeysan ya hay inay qeyb ka ahaayeen af gambi la doon ayey in awoodda loogala wareego Maxamed bin Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Scauudiga.

Sabtidii ayaa waxaa soo shaac baxay in Maxamed uu xiray Amiir Axmed bin Cab dulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salm aan, Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhax al-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, iyo walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef.

17-ka amiir ee kale ee la xiray ayaa wax aa ugu caansan Amiir Nayef Axmed bin Ca bdulcaziiz, oo ah wiilka Axmed bin Cabdulc aziiz oo la dhashay boqor Salmaan. Nayef ayaa ahaa madaxa sirdoonka ciidamada lug ta ee dalka.

Dhinaca kale, Maxamed bin Salmaan ay aa soo rogay amar yaab leh oo loogu shee gay dhammaan amiirada dalka Sacuudiga in ay barta twitter-ka si shaacsan ugu soo qo raan inay isaga daacad u yihiin, waxaan qa ar ka mid ah durba ay u hoggaansameen amarkaas, sida Amiir Cabdullahi bin Sultan Ala Sacuud.

Sida ay werisay Reuters, Xubnaha la xi ray ayaa eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah, "inay xiriiro la sameeyeen dalal shi sheeye, oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwa kale, ayna weydiisteen in laga caawiyo afgambiga.”

Reuters ayaa dhinaca kale werisay in Bo qor Salmaan uu saxiixay waaranka lagu soo xiray amiirada. Waxaa sidoo kale la sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay, xilli ay jiraan warar sheegaya in xusuustiisa aysan wana agsaneyn.

Dhinaca kale, waxaa aad looga walaac san yahay xaaladda Amiir Miteb bin Cabdul lah, oo mar loo arkay inuu kurisga ka bedd eli karo boqor Salmaan. Miteb ayaa ka mid ahaa amiiradii 2017-kii lagu xabisay hotelka Ritz Carlton ee Riyadh, balse waxaa lasii daayey kadib markii uu bixiyey hal bilyan oo dollar.

Mite boo 65 jir ah ayaa waxaa dhalay boq orkii hore ee Sacuudiga Cabdullah bin Cabd ulaziz.

Beled-Xaawo: Wasiir ka tirsan Maamul ka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyey

Wararka laga heleyo degmada Beled-Xa awo ee G/Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Dowladda & Ma amulka degmada ay halkaasi kusoo dhawee yeen Wasiir kuxigeenka W/Arrimaha Guda ha Jubbaland oo Dorraad Gelinkii dambe isku soo dhiibey Ciidamada Dowladda.

Wasiir kxuigeenka oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Cawar) ayaa Habeen hore ku hoydey degmada Doolow ee Gobolka Gedo,isaga oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magalada Mandheera ee dalka Kenya,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir kuxigeenka W/Arrimaha Gudaha Jub baland Cabdiraxmaan Cawar uu Habeen hore kulan la qaatey Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo Maamulka Degmada Dooloow Shalay loo soo gudbiyey M/Beled-Xaawo.

Mas’uuliyiinta Maamulka D/Beled-Xaawo iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay inay halkaasi kusoo dhaweeye en,iyaga oo la qaatey kulan looga hadlayay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan khilaafkiisa babay gacan ka hadalka ee dhex-marey Ciid anka Dowladda & kuwa Jubbaland.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Ku Riday Nin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Muuse Maxamed Axmed ayaa loo heysta ka mid ahaanshiyaha maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa ka qabtay eed eysane Muuse Maxamed Axmed Magaalada Marka bilowgii November 2019 isaga oo uga soo safray Janaale, wuxuu watay xil ligaas eedeysanaha la qa banayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo la gu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha ka mid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag.

Intaas kadib ayaa loo soo wareejiyay eed eysanaha magaalada Muqdisho, waxayna ci idamada xoogga dalka ku wareejiyeen ciida mada Boliiska gaar ahaan qeybta dambi ba arista Boliiska CID.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’a an ka soo saartay waxaa na lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sa no oo xabsi ciidan ah si da uu u sheegay dhinac yada dacwadda G/le Sa re Xasan Cali Nuur Shuu te guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee C/Q/Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku qaa dan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.

Yuusuf Garaad oo madax looga dhigey guddiga Qabanqaabada Caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibbada Md.Yuusuf Garaad Cumar ayaa loo magac aabay inuu Guddoomiye ka noqdo guddiga qaban-qaabada xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen ka cusub ee Galmudug.

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Qoor-qoor ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 12 xubnood oo 11 ka mid ah yihiin rag, kuwaasoo howlahooda ay ka mid yihiin asteeynta waqtiga rasmiga ah ee la qa banayo xafladda caleema saarka M/weyna ha & M/weyne ku xigeenka iyo dejinta qorsh aha guud ee caleema saarka.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada lagu magacaabay guddigan;


Madaxweyne Deni oo farriin u direy Hay’adaha Garsoorka Puntland

Madaxweynaha D/Puntland Md. Siciid C/ hi Deni ayaa ka qayb galay munaasabada maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Addu unka(International Women’s Day) oo Shalay ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Munaasabadda xu ska maalinta caala miga ah ee Haween ka Adduunka wax aa Madaxwey ne Deni kala qayb ga lay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arri maha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaam ac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sah ra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha D/Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeed iyey xuska maalintan caalamiga ah ee Hawe enka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, ga ar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowl addooda.

"Waxad wada ogtihiin kayskii Caasho, ood makhraanti ka tihiin inuu si hufan kusoo dha mmaaday…Waxan halkan uga baaqayaa iy adana maxkamadaha iyo cidda sharciga ga canta ku haysa kiis kasta oo kaa lamid ah in ay waddo sharci ah oo cadaalad ah mariy aan. Waxaan kaloo u sheegayaa dadweyna ha mararka qaybtood inaysan kahor dhicin maraaxisha maxkamaduhu maraan. Wax aad ogtihiin Caa’isha sidaas oo kalaa waxaa loo oran jiray, kayskeeda waa la musuq ma asuqay, waxaanaa dhacay, kanaa dhacay, indhihiinnaad markhaanti uga ahaydeen, ku wa kale oo hadda socdana waxaan rajayna yaa in laga war sugo” Madaxwayne Siciid Cabdilahi Deni ayaa sidaas yiri

Ciidamada Booliiska Magaalada B/Weyne oo Fashiliyay Miino lagu Aasay dhulka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska M/Baladweyne G/Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen Miino nooca dhu lka lagu aaso ah oo la geliyay Xaafad ka tir san Magaaladaas.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas lagu aasay agagaar ka Dahabshiil ee Xaafadda Kooshin ee Bala dweyne, isla markaana Ciidanka Amniga ay ku guleeysteen iney fashiliyaan Miinada.

Inta uu socday howlgalka lagu soo saar ayay Miinada ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Xaafadaas, balse markii uu soo dhamaaday howlgalka dib ayaa loo furay.

Saraakiisha Booliska ee M/ Baladweyne ayaa waxaa ay tilmaameen in Miinada la da macsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka ku dhaqan Xaafadda Kooshin, hayeeshee laga hortegay.

C/qaasim Salaad oo ku tilmaamay dagaalada ka socda Gobolka Gedo dagaal sokeeye

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaa sim Salaad Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka socda gobolada dalka, isagoo ku baaqay in aan marnaba la qaadin dagaal iyo fidno.

Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee M/Muqdisho ayaa Madaxweyne C/qaasim ku tilmaamay dagaalada ka socda gobolk ada kuwo sokeeye oo dad Soomaali ay is dil ayaan.

"Alle halaga baqo ummaddana ay is cafi do oo la isku naxariisto, in aan marnaba da gaal iyo fidno la qaadin intaas oo sano ayaa fidno ku jirnay dalkeena ayaa ku baaba’ay dadkayaga ku baaba’ay dhaqaalaha iyo sharafta ayaa ku baaba’ay in laga baxo oo aan dalkeena nabad ku joogno oo aan Alle u soo noqono horayna waa u iri hadana waa leeyahay ayaa la rabaa”ayuu yiri Madaxwe yne C/qaasim.

Mar wax laga weydiiyay dagaalka ka soc da G/Gedo ee u dhaxeeya Jubbaland iyo DFS ayaa sheegay in dagaalkaas uu yahay dagaal sokeeye oo ay is dilayaan dad Soo maali walaalo aan kala fogeyn

"Dagaalka ka socda gobolada badanaa waa sokeeye dad walaalo soomaali ah ayaa is dilaya, oo aan kala fogeyn, hadana Gedo waxaa uga rajeynayaa alle uga rajeynayaa dagaalkaas ka joogsado dadka meesha joog a haddii wax ka jiraan duqeydooda iyo cul umaa’udiinka inay ka qaataan dagaalka in la joojiyaan oo aan dadka lagu leyn, horay ay aa u sheegay Alle waxa uu quraankiisa ku yiri qof ninkii dila oo xaq daro ku dila wuxuu la mid yahay adduunka dadka jooga oo dhan qof laayay ay la mid yahay, marka wa xaa yeeleysaan aakhiro loo socdaa adduun ka la joogi maayeen, alle halaga baqo hala ga heshiiyo wixii dhibaato ah oo jira”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaas im Salaad Xasan oo degan magaalada Qa ahira ee dalka Masar.

DFS ayaa 7dyadii u dambeeyay ciidamo fara badan ku daabuleysay Gobolka Gedo, si ay meesha uga saarto Maamulka Jubba land ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana horay ula wareegtay gacan ku he ynta magaalooyinka Luuq, Doolow iyo Beled xaawo.

7aadkii hora dagaalo u dhaxeeyay ciidam ada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbal and ayaa ka dhacay M/Beledxaa wo ee ku dhow xuduuda Kenya, waxaana dagaaladan ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Beesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay ciidamada isku urursanaya Gedo

Beesha Caalamka ayaa War Saxafadeed ka soo saartay Xaaladda G/Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay aheyd Mid kacsan ka dib markii ay halkaasi ku dagaallameen Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Ju bbaland. Warka beesha Caalamka ayaa sidaan u qornaa:

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka wa xay walaac xooggan ka muujinayaan ciida mada amniga ee isku urursanaya G/Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Be led-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin.

Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xak ameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado. Waxaan ogs oonnahay muhiimadda ay leedahay xasilloo nida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhex eeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ku dhexmara deegaan xuduudeed ay wadaag aan halkaas oo ay ka wada dhexeeyaan da no amni.

Waxaan soo dhoweynaynaa xiriirkii 5tii Maarso dhexmaray Madaxweyne Maxamed C/hi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaana ku dhiirigelineynaa madaxda inay sii wadaan daminta xiisadaha, iskaashiga amniga xuduudaha, iyo in la sa meeyo guddi wadajir ah oo wax ka qabta arr imaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga sida ay madaxduba iskugu af-garteen.

Saaxiiba du waxay u arkaan wada-hada lka dhexmar ay madaxda in uu yahay tall aabo lagama ma armaan ah, waxayna hoos ta ka xarriiqayaan muhiimadda uu leeyahay inuu sii socdo xiriir toos ah oo dhexmara So omaaliya iyo Kenya. Saaxiibadu waxay Urur-Goboleedka IGAD uga mahad-celinayaan xir iirka iyo dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee uu sameeyay; waxaana ku boorinaynaa in wada-hadalkan uu sii socdo ilaa iyo inta xal waara laga gaarayo.

Si muddada dheer loo helo xasillooni lo ona xaqiijiyo amniga gobollada xuduudaha ku yaalla iyo kan Jubaland, saaxiibadu wax ay ku boorrinayaan iskaashi iyo wada-hadal dhexmara DDFS iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxay ku baaqayaan in shakh si kasta ee lagu eedeeyay dembiyo ama xad gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka la soo xiro oo lala tiigsado sharciga iyadoo la raacayo sarreynta sharciga.

Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in iskaa shi buuxa iyo wadahadal dhexmara DFS iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin lagama maarmaan loona baahany ahay inay ku dhacaan si dhakhso leh, si lo ola dagaallamo al-Shabaab, loo xalliyo arri maha la isku hayo, loogana guul gaaro arri maha kale ee hortabinta u leh qaranka sida ka-gun-gaarista faa’iidooyinka laga helayo cafinta deynmaha iyo qabashada doorashoo yin qaran oo waqtigooda ku qabsooma.


Sh. Shaakir oo sheegay in loo awood sheegtay baaqna u direy Beesha Caalamka

Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlusunna ee looga awood roonaadaya dagaalkii ka dhacay Dhu usamareeb ayaa isaga oo ku sugan M/Ga roowe waxaa uu soo saarey qoraal uu kaga hadlayo dagaalkii dhacay iyo khilaafkii kala dhaxeeyey Dowladda Federaalka.

War-Saxaafadeed uu soo saarey Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa wax aa uu ku sheegay in intii ay ku sugnaayeen Xero Inji ee Magaalada Dhuusamareeb la saarey cunaqabateyn,isla markaana la dul-dhigey Ciidamada dadka diidaya in la galo Xarunta lagana soo baxo.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shaakir in xil li habeen ah Ciidamo ka tirsan kuwa DS ay weerar ku qaadeen Xarunta ay ku sugnaay een ee Inji,sidoo kalena ay jirtay cadaadis uu saarey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ciidamada dowladda gaar ahana kuwa ay tababaraan Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ee Haramcad iyo Gorgor ee loogu ta lo galay la-dagaalanka Al-Shabaab ayuu she egay in dowladda ay kusoo weerartay Hogg aanka Ahlusunna.

War-Saxaafadeedka uu soo saarey Sh. Shaakir oo aad u dheer ayaa waxaa uu si doo kale ku sheegay hoggaanka Ahlusunna marnaba ka caajisi doonin la-dagaalanka Al-Shabaab ayna ka go’an tahay inay ka saa raan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gal mudug.

Ugu dambeyn Beesha Caalamka gaar ah aan Dowladda Turkiga ayuu ugu baaqay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay u tab abarto ay ilgaar ah ku haayaan,isla markaa na aan loo adeegsan arrimo siyaasadeed.

Qodobadda looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle

Madaxweyne Ku-xigeenka DG/HirShab eelle ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cali Gudlaawe Xuseen ayaa Shalay waxa uu shir gudoomiyay kulankii 7aadlaha ee golaha wasiirada Maamulka Hirsha beelle, kaasoo loo ga hadlay arrimo ay kamid yihiin Am niga,warbixin howleedka 7laha ee Wasaara daha iyo ka doodista dhammeystir ka Dastu urka Qabyo Qoraalka ah oo Cutub kiisii2aad 7dkaan lagu wareejiyay Madaxw eyne ku-xigeenka HirShabeelle Md.Guudlaa we.

Shirka GW/Maamulka Hirshabeelle oo 7adkiiba mar la qabto ayaa Shalay goluhu ku falanqeeyeen Xaaladaha ammaanka ee deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle iyo in dhowaan la sameyn doono howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Shirka intii uu socday waxaa warbixin howleedka 7baadka looga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada Hirshabeelle,waxaana la faray inay laba laabaan waajibaadka sha qo ee ay ummadda u hayaan.

Sidoo kale, kulanka G/Wasiirada intii u socday waxaa aad looga dooday qorshaha dhammeystirka Dastuurka JFS oo cutubkiisii 2aad gudiga dhammeystirka usoo gudbiye en DG Hirshabeelle si ay usoo indha indhee yaan wixii caqabad ku ah bulshad Hirshabe elle iyo guud ahaan ummadda Soomaaliye ed meesha uga saaraan.

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Magaalada Marka

Waa dhacdo argagax iyo walaac badan ku beertay bulshada ku dhaqan M/Marka ee Xarunta G/Sh/Hoose, ka dib markii uu soo gaaray warka sheegaya in daryeel la’aan ay u geeriyootay haweeney, ay dhaawacday haweeney kale.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Ro oda Jeylaani Roobow ayaa barqanimadii Shalay daryeel la’aan ugu geeriyootay Isbi taalka Guud ee Degmada Marka, ka dib dha awac ay Habeen hore u geysatay haweeney kale.

Rooda Jeylaani Roobow ayaa waxaa qori AK47 ahaa ku soo weerar tay haweeney ka le, ka dib markii la sheegay in mu run uu dhex-maray, waxa uuna dhaawac halis ah ka soo ga aray dhinaca naaska hoostiisa. Dhacdadan waxay ka dhacday Buufow oo 3km u jirta Marka.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca ha weeneydan lagula soo cararay Isbitaalka Gu ud ee Marka, si wax looga qabto xaaladeeda caafimaad, balse aanay daryeelkii u baah neyd ka helin isbitaalkaasi.

Maxamed Shuceyb oo ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Marka, kana warbixiy ay daryeel la’aanta ay u geeriyootay hawee neydan ayaa sheegay in Maamulka Isbitaal ka Marka uu ku guuldareystay in uu wax ka qabto dhaawacii haweeneydaasi ka soo gaa ray rasaastii lala dhacay.

"Gabadhu waxay xabaduhu uga dhaceen naaska bidix hoostiis, miskaha hoose ayay xabaddu aaday. Waxay sameeyeen qolo Far mashiistayaal oo isbitaalka joogga inay fale ebo dhiig ah duraan, qofkii oo xididada go’an yihiin. Sidee ula tacaalayeen Shalay shan saac ayay dhimatay. Allaha u naxariisto Ro oda Jeelaani Roobow.” Ayuu yiri Maxamed Shuceyb. Inkastoo qaddarta Alle ay halkeeda tahay ayuu dhanka kale Maxamed Shuceyb sheeg ay in haweeneydaasi ay u geeriyootay day ac kaga imid dhakhaatiirta aan diyaarsanayn ee isbitaalkaasi ka hawlgasha.

"Taas ayay ku dhimatay, ayadoo maqaad iirta Alle ay iska jirto, laakiin dayac ka yimid Shaqaalaha Caafimaadka oo tayadooda ays an gaarsiisnayn inay wax qalaan. Daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa maysan helin.” Ayuu yiri Maxamed Shuceyb.

Isbitaalka Guud ee Degmada Marka ayaa waxaa gacanta ku hayso hay’ad maxali ah oo lagu magacaabo Ayuub, iyadoo inta bad an dadka qaba dhaawacyada culus loo soo qaado M/Muqdisho, sababo ku aadan isbita alka oo aan u diyaarsanayn ka jawaabidda xaaladaha ceynkani oo kala ah. Ujeedada haweeneydan loo geeyay isbitaalkaasi ayaa lagu sheegay, iyadoo qoys danyar ahi ka soo jeeday.

Maxamed Shuceyb ayaa tilmaamay in dadka reer Marka ay ka cabanayan daryeel xumida ka jirta Isbitaalka Guud ee Degmada Marka, xilli Marka ay deegaano badan hoos-yimaadaan.

"Waa Isbitaalkii Guud ee M/Marka, oo de egaano badan ku xiran yihiin. Bulshada Mar ka ku dhaqan waxay ka cabanaysaa daryeel la’aantaas la soo wajahday.” Ayuu yiri Shu ceyb. Isagoo la hadlayay Idaacadda Shab elle ee M/Muqdisho ayuu yiri "Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa laga ra baa inay u soo taliso isbitaalkan.”

Daryeel la’aanta ay u geeriyootay Rooda Jeelaani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa dunidaba ay Shalay caalamka uga dabaaldaggayeen Maalinta Haweenka Adduunka ee Sideeda Maarso(8March).xigasho:-https://www. radioshabelle.com/

Talyaaniga oo Karantiilay 16 Milyan qof

Talyaaniga ayaa ilaa 16 milyan oo qof kar antiilay isagoo isku dayaya xakameynta faaf itaanka caabuqa cusub ee coronavirus.

Qof walba oo ku nool gobolka Lombardy iyo 14 kale oo gobol oo bartamaha iyo waqooyi ga dalkaasi ku yaalla ayaa u baahnaan doo na oggolaansho uu ku soo galo amaba kaga baxo gobolladaas. Magaalooyinka Milan iyo Venice ayuu sidoo kale go`ankan saameyay.

Iskuullada, jiimka iyo meelaha lagu daba asho ayaa xirnaan doona iyadoo isu imaat innada bulshadana la hakiyay, sida uu she egay R/Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte

Tallaabooyinkan ayaa sii socon doona ilaa 3-da April. Talyaaniga waa dalka ugu da ran dalalka Yurub ee caabuqu uu sida ba`an u saameeyay, waxaana Dorraad laga soo she egay koror badan oo tirada dadka uu soo ri tay ah.

Horraantii 7baadkan dowladda ayaa ku dhawaaqday in muddo 10 maalmood ah la xiro iskuullada iyo jaamacadaha dalkaas ku yaalla. Khasaaraha dhimashada ee dalka Ta lyaaniga ayaa gaartay 230, iyadoo ay sara akiishu sheegeen in ilaa 50 ay caabuqa u dhinteen muddo 24 saac gudahood ah. Tir ada kiisaska la xaqiijiyay ayaa Dorraad sare uga kacay in ka badan 1,200 iyadoo gaartay 5,883.

Qoyska Bashiir Qoorgaab oo xaqiijiyay in duqayn lagu dilay

Qoyska Bashiir Maxamed Maxamuud (Bashiir Qoorgaab) ayaa waxay Shalay xaq iijiyeen in Sarkaalkaasi oo ka tirsanaa Urur ka Al-Shabaab lagu dilay weerar dhinaca cir ka ah.

Dowladda Somaliya ayaa waxay Sabtidii shaacisay in Bashiir Maxamed Maxamuud la gu dilay duqayn 22-kii bishii hore ee Febru ary ka dhac d ay D/Saakow ee G/ Jubbada Dhexe ,iyadoo Do wladu sheegtay in nink an uu xilal u hayay Shabaabka hubeysan .

Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa Shalay baahisay in qoyska Sarkaalkaasi ay xaqiijiye en in lagu dilay duqaynta 22-kii February ka dhacday Degmada Saakow.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2008dii waxay shan malyan oo dollar duldhi gtay madaxa Bashiir Qoorgaab, lacagtaas oo loo ballanqaaday in la siin doono ciddii ke enta xog horseedi karta in lagu qaarajiyo ninkaasi.

Bashiir Qoorgaab ayaa 13 sano ee Shab aabku jiray ka soo qabtay xilal kala duwan, iyadoo xilligan uu u qaabilsanaa weerarada ka dhanka ah xeryaha militariga, sidoo kale na waxa uu ka qayb qaatay hawlgalo laga fuliyay gudaha dalka Kenya.

Waxaa jira warar sheegaya inuu ku lug la haa weerarkii 5-tii bishii January ka dhacay Xerada Mandy Bay ee Gobolka Xeebta Ke nya, oo ay si wadajira uga hawlgalaan Ciid amada Cirka Mareykanka iyo Ciidanka Ke nya ee la dagaalanka argagixisada u tababa ran. Taliska Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa 3dii bishii February boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Amiirka Al Shabaab uu xilalkii ka qaaday Ba shiir Qoorgaab iyo Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay), ka dib markii ay ka horyi maadeen qaraxyada lagu leynayo dadka reer Muqdisho, sida ay NISA sheegtay. War kan ugu dambeeyay ee DF ka soo saartay di lka Bashiir Qoorgaab ayaa liddi ku noqonaya warkii Hay’adda NISA, ee ahaa in Axmed Cumar (Abuu Cubeyda), Amiirka Uru rka Al Shabaab uu xilalkii ka xayuubiyay Ba shiir Qoorgaab &Mahad Karataay.Xigasho :BBC

Maalinta Haweenka Adduunka: Haweenka dunida isugu soo baxay oo sinnaan ku baaqay

Isu soo baxyada wacyigelinta takoorka ka dhanka ah haweenka ayaa ka dhacay mag aalooyin ku yaalla dunida si loo xuso Maa linta Caalamiga ah ee Haweenka.

Dibadbaxyadan ayaa aad looga soo qe yb galay iyadoo ay jirto cabsi laga qabo caa buqa coronavirus.

Dadka dunida ku sugan ayaa in ka ba dan qarni xusayay 8 March oo ah maalin ha weenka u gaar ah.

Waxay ku bilaabatay dhaqdhaqaaqa shaq aalaha kaddibna waxay isku beddeshay xus sanadle ah oo QM ay aqoonsan tahay.

Haween ku sugan xadka Turkiga iyo Giri igga ayaa qabtay dibadbaxyo ay ku dalbana yaan in maalintan caalamiga ah ay galaan dalka Giriigga. Waxaa halkaasi ka jiray isku dhacyo u dhaxeeya muhaajiriinta iyo ciidam ada ammaanka xadka Giriigga.

Haween Bangladesh u dhashay ayaa kubadda gacanta ku dheelayay bannaanka M/Dhaka, wuxuuna ahaa tartan lagu xisayo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka

Dalka Pakistan tartanno ayaa ka dhacay dho wr magaalo, iyadoo ay jiraan tacaddiyo. Hal kan, taageerayaasha xisbiga siyaasadeed ee Islaamiga ah ee Jamaat-e-Islami ayaa is ugu soo baxay Karachi.

Caasimadda Kyrgyzstan ee Bishkek, bo oliiska ayaa xirxiray dhowr haween ah oo u dooda xuquuqda aadanaha waxyar kaddib markii rag wejiga maaskaro ku soo xirtay ay weerareen haweenkaas. Haweenka ayaa sheegay in xaaladda xuquuqda haweenka ee dalkaasi ay ka sii dareyso.

Belarus, haweenka ayaa ka qeyb qaatay "oroddada quruxda" si ay Shalay u xusaan. Halkan, haweenka ayaa qoob ka cayaar dhe elaya kahor tartanka.

Madaxweyne Farmaajo oo tegaya Baraawe & ujeedka oo la shaaciyey

Madaxweynaha Dowladda Federaa-lka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo inay safar ku tagaan degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Shalay waxaa tegay degmada Bar-aawe wufuud horudhac u ah wafdiga Mad-axweynaha iyo qaar kamid ah ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya,kuwaas oo u sii gogol xaaraya socdaalka Madaxweyne Far-maajo.

Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo deg-mada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay in uu xariga ka jari doono Runwayga ay Diy-aaradaha ku degaan ee Garoonka Diy-aaradaha Baraawe,kaas oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyey.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa la filayaa in uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineyd oo ay kamid yihiin Xarumo Waxbarasho.

Si kastaba Maalma ka hor ayay aheyd markii Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ay booqasho ku tagtay degmada Baraawe,iyada oo halk-aasi ka dhagax-dhigtay sbitaal loogu tala ga-lay daryeelka caafimaad ee Hooyada iyo dhalaanka.

 

Sababta Dowladda u soo daabici la’adahay lacag Cusub

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuum-adda Soomaalya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhowr mar sheegay in Dowladda Soomaliya ay soo daabici doonto lacago Cu-sub,hayeeshee asyan dhicin taasi,waxaana la shaaciyey sababta weli loo soo daabici la’yahay lacag taas.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa she-egay in sababo la xiriira awood dhaqaale u soo daabici la’dahay lacag Cusub oo Shillin Soomaali ah.

Senator-ka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hadda So-omaaliya inta badan deynta laga cafiyey,isla markaana ay ku dhow dahay in Soomaaliya ay sameysato lacag Cusub waa sida uu hadalka u dhigay.

Lacagta hadda Soomaaliya laga isticmaalo ee Shillin Soomaaliga ah ayaa ah mid Kun ay u weyn tahay kuna u yart-ahay,waxaana lacagta Shillinka Soomaaliga ah ay inta badan noqotay mid duugoowdey.

Ciidanka Jubbaland Oo Howlgal Ka Sameeyay Jubbada Hoose

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Ho-ose.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada Qudus, Kaamj-aroon, Beer-Xaani iyo Janaay Cabdalle, ha-lkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha hogaamineysay howlg-alkaas laga sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana aysan la kulmi wax iska caabin ah oo uga yimid dhanka Al-shabaab inta uu socday howl-galka.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Ju-bbaland ayaa waxaa ay tilmaameen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo ay sheegeen inay ku doonayaan in ay Al-shabaab ay kaga saa-raan deegaanada Gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ka wada howlgal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoona dhowr jeer halkaas ay dagaalo ku dhexmareen labada dhinac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip