Talyaaniga oo Karantiilay 16 Milyan qof

0
Sunday March 08, 2020 - 18:14:29 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga oo Karantiilay 16 Milyan qof

    Talyaaniga ayaa ilaa 16 milyan oo qof karantiilay isagoo isku dayaya xakameynta faafitaanka caabuqa cusub ee coronavirus. Qof walba oo ku nool gobolka Lombardy iyo 14 kale oo gobol oo bartamaha iyo waqooyiga dalkaasi ku yaalla ayaa u baahnaan doona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talyaaniga ayaa ilaa 16 milyan oo qof karantiilay isagoo isku dayaya xakameynta faafitaanka caabuqa cusub ee coronavirus. Qof walba oo ku nool gobolka Lombardy iyo 14 kale oo gobol oo bartamaha iyo waqooyiga dalkaasi ku yaalla ayaa u baahnaan doona oggolaansho uu ku soo galo amaba kaga baxo gobolladaas. Magaalooyinka Milan iyo Venice ayuu sidoo kale go`aankan saameeyay. Iskuullada, jiimka iyo meelaha lagu dabaasho ayaa xirnaan doona iyadoo isu imaatinnada bulshadana la hakiyay, sida uu sheegay Ra`iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte.

Tallaabooyinkan ayaa sii socon doona ilaa 3-da April.

Talyaaniga waa dalka ugu daran dalalka Yurub ee caabuqu uu sida ba`an u saameeyay, waxaana shalay laga soo sheegay koror badan oo tirada dadka uu soo ritay ah.

Horraantii toddobaadkan dowladda ayaa ku dhawaaqday in muddo 10 maalmood ah la xiro iskuullada iyo jaamacadaha dalkaas ku yaalla.

Khasaaraha dhimashada ee dalka Talyaaniga ayaa gaartay 230, iyadoo ay saraakiishu sheegeen in ilaa 50 ay caabuqa u dhinteen muddo 24 saac gudahood ah. Tirada kiisaska la xaqiijiyay ayaa shalay sare uga kacay in ka badan 1,200 iyadoo gaartay 5,883.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip