Alexis Sanchez: Arsenal Waajib Ayay Ku Tahay Inay Maanta Garaacdo Manchester United.

0
Sunday February 28, 2016 - 11:57:25 in Sports News by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alexis Sanchez: Arsenal Waajib Ayay Ku Tahay Inay Maanta Garaacdo Manchester United.

    Alexis Sanchez ayaa sheegay in kulanka kooxdiisa Arsenal ay maanta la ciyaareyso Manchester United inay tahay kulan ay ku qasban yihiin inay badiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alexis Sanchez ayaa sheegay in kulanka kooxdiisa Arsenal ay maanta la ciyaareyso Manchester United inay tahay kulan ay ku qasban yihiin inay badiyaan.

Xiddiga reer Chile ayaa si weyn u doonayaa inay Arsenal dib u hesho baahidii ay soo bandhigtay October sannadkii hore markii ay 3-0 ku suuldaareen Man United kulankii Emirates Stadium.

Sanchez oo dhaliyay labo gool kulankaas ayaa yiri: "Xaqiiqdii kulankaas waxa uu ahaa ciyaartii ugu fiicneyd ee aan ciyaarnay xilli ciyaareedka oo dhan.

"Banaanka ayaa isa soo dhignay, cadaadis ayaan saarnay iyaga, waxaana garoonka la soo galnay anagoo maanka ku heyna guul.

"Maalintaas ka hor inta aanan garoonka soo gelin, haddii eegto indhaha ciyaartoyda waxaad ka arkeysaa inay baahi u qabeen inay guuleystaan.

"Waxaa wajiyadeena ka muuqata inay guul dooneyno, marka aad taasi heysato waa ay adag tahay in lagu garaaco, taas ayaana dhacday – waxaan garoonka la soo galnay iyadoo taasi ay maskaxdeena ku jirto.”

Arsenal-vs-Dinamo-Zagreb-Champions-League-Group-Stage

Kooxda Arsene Wenger ma awoodi karta inay ku sibxato Old Trafford haddii ay doonayaan inay qeyb ka sii ahaadaan tartanka horyaalka.

"Waxaa waajib inagu ah inaan badino kulankaan, inaan isdhigno boos aan si weyn uga dagaalami karno hanashada horyaalka” ayuu yiri Sanchez.

"Manchester United waa koox aad u xoogan oo leh taariikh weyn oo kubada cagta ah. Taariikh ayaa ka danbeysa iyaga, waxaana ay noqon doontaa kulan adag.

"Haatan diirada waxa ay saaran tahay Premier League, waxaana isku dayaynaa inaan ku guuleysano, taas ayaana ah muhiimada ugu weyn.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip