Beled-Xaawo: Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyey

0
Sunday March 08, 2020 - 16:47:34 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beled-Xaawo: Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyey

    Wararka Idaacadda Risaala ay ka heleyso degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Dowladda & Maamulka degmada ay halkaasi kusoo dhaweeyeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo shala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Idaacadda Risaala ay ka heleyso degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Dowladda & Maamulka degmada ay halkaasi kusoo dhaweeyeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo shalay Gelinkii dambe isku soo dhiibey Ciidamada Dowladda. Wasiir kxuigeenka oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Cawar) ayaa xalay ku hoydey degmada Doolow ee Gobolka Gedo,isaga oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magalada Mandheera ee dalka Kenya,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Cawar) uu xalay kulan la qaatey Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo Maamulka Degmada Dooloow saakana loosoo gudbiyey Magaalada Beled-Xaawo.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Beled-Xaawo iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay inay halkaasi kusoo dhaweeyeen,iyaga oo la qaatey kulan looga hadlayay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan khilaafkii sababay gacan ka hadalka ee dhex-marey Ciidanka Dowladda & kuwa Jubbaland.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Cawar) uu Warbaahinta faah faahin ka siiyo sababaha keenay in xilligaan uu kasoo tago Magaalada Mandheera oo ay ku sugnaayeen Saaxiibadiisa ay ka wada tirsanaayeen Maamulka Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip