Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0
Sunday March 08, 2020 - 16:41:43 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

    Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Booqashada Wasiirkan ayaa la sheegay inuu fariin uu ka wado Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.
Wararkan ayaa waxa ay sheegayaan in farriintan ay la xiriirto sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha xuduudaha iyo xiriirka labada dal oo muddooyinkii u dambeeyay mugdi sii galayay.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu qadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, sidii xiisada ka taagan xuduuda loo qaboojin lahaa.

Xiisada ka jirta xadka ayaa salka ku haysa Wasiirka Amniga Jubbaland iyo ciidamo uu wato oo gudaha u galay dalka Kenya kuwaasoo halis ku ah ciidamada dowlada federalka ay geysay magaalada Beled-Xaawo.



Dowlada Maraykanka ayaa cadaadis xoog leh saarayaysa labada dowladood sidii xal looga gaari lahaa khilaafka cusub ee sababay in ammaanka xadka uu xumaado.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip