Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Ku Riday Nin ka tirsanaa Al-Shabaab.

0
Sunday March 08, 2020 - 16:34:00 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Ku Riday Nin ka tirsanaa Al-Shabaab.

    Muuse Maxamed Axmed ayaa loo heysta ka mid ahaanshiyaha maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Maxamed Axmed ayaa loo heysta ka mid ahaanshiyaha maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed Axmed Magaalada Marka bilowgii November 2019 isaga oo uga soo safray Janaale, wuxuu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha ka mid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag.

Intaas kadib ayaa loo soo wareejiyay eedeysanaha magaalada Muqdisho, waxayna ciidamada xoogga dalka ku wareejiyeen ciidamada Boliiska gaar ahaan qeybta dambi baarista Boliiska CID.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip