Roberto Firmino Oo Dhiirogelin Dheeri Ah U Helaya Inuu Ku Qaado Capital One Cup Maanta Iyadoo Aabihiisa Uu Safar 10 Kun Kiilomitir U Soo Galay Si Uu Daawado.

0
Sunday February 28, 2016 - 11:56:17 in Sports News by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roberto Firmino Oo Dhiirogelin Dheeri Ah U Helaya Inuu Ku Qaado Capital One Cup Maanta Iyadoo Aabihiisa Uu Safar 10 Kun Kiilomitir U Soo Galay Si Uu Daawado.

    Weeraryahanka reer Brazil Roberto Firmino qoyskiisa ayaa wax walba la ah – garoonka Wembley maanta waxa uu heli doonaa dhiirogelin dheeri ah oo uu koobkiisii ugu horeysay kula guuleysto kooxda Liverpool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka reer Brazil Roberto Firmino qoyskiisa ayaa wax walba la ah – garoonka Wembley maanta waxa uu heli doonaa dhiirogelin dheeri ah oo uu koobkiisii ugu horeysay kula guuleysto kooxda Liverpool.

Garoonka waxaa soo dhex istaagi doona taageerihiisa ugu weyn, aabihiis Jose Roberto kaasoo soo safray ku dhowaad 10 kun kiilomitir oo uu kaga yimid magaalada Rio de Janiero si uu u arko wiilkiisa oo isku dayay inuu ku guuleysto finalka Capital One Cup ee ay Man City Wembley kula ciyaarayaan maanta.

Aabaha dhalay Firmino kuma cusbo garoomada waa weyn ee kubada cagta isagoo ku shaqeysan jiray inuu caagaga biyaha iyo cunooyin yaryar ku iibiyo garoomada kubada cagta iyo meelaha xafladaha ay ka dhacayaan ee magaaladooda Maceio ee waqooyiga Brazil.

Liverpool-v-Stoke-Capital-One-Cup-Semi-Final-Second-Leg

Isagoo soo galay garoonka ugu caanka Ingariiska, Firmino ayaa rajeynaya inuu arko aabihiisa oo ku han weyn kaasoo isaga iyo hoyadiisa Maria Cicera ay ka caawiyeen inay riyadiisa kubada cagta u rumowdo.

"Qoyskeyga qiimo weyn ayuu ii leeyahay laakiin waxaan qiyaasayaa ciyaar walba isna waa la mid” ayuu yiri xiddiga Anfield. "Waalidkeey ayaa wax walba ii ah si la mid qoyskeyga ii gaarka ah xaaskeyga Larissa, gabadheyda Valentina iyo wiilkeyga yar.

"Waxaan ka soo fognahay qoysaskeena, sidaasi darteed wax weyn ayay ii tahay inuu aabaheey u soo duulayo ciyaartaan, waxaana rajeynayaa inaan ku guuleysano koobka oo aan safarkiisa uga dhigo mid qiimo leh.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip