Guddiga diyaarinta xilliga kala guurka Waxbarashada gobolka Banaadir oo la shaaciyay.

0
Sunday March 08, 2020 - 16:18:34 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga diyaarinta xilliga kala guurka Waxbarashada gobolka Banaadir oo la shaaciyay.

    Muqdisho:-Shir u dhaxeeya Madaxda Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Shir u dhaxeeya Madaxda Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa shaacinta guddiga diyaarinta xilliga kala guurka Waxbarashada gobolka Banaadir.

Guddigaan ayaa ka kooban 8-Xubnood oo 4-kamid ah ay ka socdaan Wasaaradda waxbarashada halka afarta kale ay ka yimaadeen maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo 3-bilood ee soo socota ka shaqeyn doono daadejinta sidii wasaaradda waxbarashada ay ugu soo wareejin laheyd shaqooyinka waxbarashada gobolka Banaadir iyo sidoo kale tayeynta xafiiska waxbarashada gobolka Banaadir.

inta uu kulankan socday waxyaabihii la isku fahmay waxaa kamid ahaa in maamulka gobolka Banaadir uu la wareego qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo sanad dugsiyeedkan ugu horeeyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip