Dhageyso:-Xildhibaano sheegay in Maanta ishor-istaag lagu sameeeyey

0
Sunday March 08, 2020 - 16:10:58 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Xildhibaano sheegay in Maanta ishor-istaag lagu sameeeyey

    Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Maanta xilli ay howlo Shaqo ugu socdeen dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ishor-istaag lagu sameeyey. Wareysi uu siiyey Idaacadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Maanta xilli ay howlo Shaqo ugu socdeen dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ishor-istaag lagu sameeyey. Wareysi uu siiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho Xildhibaanka waxaa uu ku sheegay in Bar-koontorool oo ku taalla halka laga galo Garoonka kuna dhow Isgoyska km4 loo diidey inay ilaaladooda kala gudbaan loona sheegay inay ilaalada halkaasi ku reebaan. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in go'aanka Ciidamada u cuntami weysay,isla markaana ay go'aansadeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda kana joogaan Shaqadii iyo shir ay ka qeyb-geli lahaayeen. Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa waxa uu sheegay in horey ay dhibaatooyin kala duwan ugu qabeen in mararka qaar Ciidamada ilaalada u ah looga yeero Xerooyinka iyo guutooyinka ay ka tirsan yihiin taasina ay sabab u noqoto inay ilaalo la'aan noqdaan. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip