CUDUR KU FAAFA DUNIDAN QARNI KASTA!!! (Warbixin muhiim ah aqriso lana wadaag asxaabta)

0
Sunday March 08, 2020 - 06:54:32 in Wararka by
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CUDUR KU FAAFA DUNIDAN QARNI KASTA!!! (Warbixin muhiim ah aqriso lana wadaag asxaabta)

    Microbesyo aad u yar yar oo marki Danbana malaayiin noqonaya , daacuun Caloole ,Cholera , hergab halis ah,iyo hadda oo uu aduunka meelo badan ka Jiro corona virus waxaa ay ahaayeen afartii qarni ee la soo dhaafay kuwo laayay dadyow badan oo dunidan k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Microbesyo aad u yar yar oo marki Danbana malaayiin noqonaya , daacuun Caloole ,Cholera , hergab halis ah,iyo hadda oo uu aduunka meelo badan ka Jiro corona virus waxaa ay ahaayeen afartii qarni ee la soo dhaafay kuwo laayay dadyow badan oo dunidan ku noolaa ,kuwaas oo tiradooda marka la isku daro ka badan dadkii ku dhintay dagaalkii kowaad iyo labaad ee mar hore dunidan ka soo dhacay. Hadaba sir muhiim ah ayaa jirta ee aqri qoraalkan illaa dhamaadkiisa. -1720 kii Magaalada Marcielle ee Dalka Fransiiska waxaa ka dillaacay daacuun caloole loogu magac daray (Daacuunkii weynaa)kaas oo laayay dad ka badan(boqol kun oo qofood).

-1820 kii Wadamada Indonesia,Thailand,iyo Philippines,waxaa ka dilaacay Cholera,kaas oo laayay asagane dad ka badan boqol kun oo qofood.

-1920 kii wadanka Spain waxaa ka dilaacay hergab xun oo sun ah,kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan boqol milyan oo qofood,waxaana uu si dhaqso ah ugu faafay meelo badan oo caalamka ka mid ah, Khubarada caafimaadka ee aduunkana waxaa ay xal u waayeen in ay helaan dawada lagu daaweeyo hergabkaasi.

-2020 ka oo ah sanadka hadda aan ku jirno waxaa wadanka ugu dadka badan caalamka ee shiinaha ka dilaacay cudurka corona virus kaas oo illaa hadda dunida meelo badan oo ka mid ah ku faafay tirada dhimashada waa sii kordheysaa maalin walba.wadamo badan oo caalamka ahna waa ku sii faafayaa,dadaalo badan oo arintaas loogu hortagaayo ayaa socda hadda.

Arinta la yaabka leh ayaa ah:

1720ki


1820ki
1920ki
2020ki

waa afar qarni oo isku xegta,qarni walba sanadka marka uu maryo tirada sanadka iyo 20, ayuu dunidan ka dilaacaa cudur halis ah oo gallaafta nafta dad badan oo caalamka ku nool.

Khubarada caalamka ee falaga iyo kuwa caafimaadka intaba waa u la,yihiin in ay fasiraad sax ah u helaan atintani soo noq noqota ee qarni kasta sandku marka uu gaar 20 dunidan ka dhacda.

Maxay ka dhigantahay in virus cabirkiisu ka yar yahay 150 Nanometer uu laayo isla markaana uu cabsi iyo wel wel ku abuuro dadka dunidan oo cabirkeeda ka weynytahay 550 Milyan oo miter oo isku wareeg ah?

Hadaba akhriste maxay kula tahay arintan mucjisada ah?


W/Q:Maxamed Deeq
Email:deeq1982@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip