SUUQA KALA IIBSIGA: Edinson Cavani Oo Dagaal 30 Milyan Ginni Ah Ka Dhex Bilaabaya Chelsea Iyo Manchester City.

0
Sunday February 28, 2016 - 11:52:43 in Sports News by
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Edinson Cavani Oo Dagaal 30 Milyan Ginni Ah Ka Dhex Bilaabaya Chelsea Iyo Manchester City.

    Edinson Cavani ayaa ku dhow inuu bilaabo dagaal 30 milyan ginni ah oo loo galo isaga marka uu suuqa kala iibsiga xagaaga furmo sida ay qortay jariirada The Sun on Sunday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Edinson Cavani ayaa ku dhow inuu bilaabo dagaal 30 milyan ginni ah oo loo galo isaga marka uu suuqa kala iibsiga xagaaga furmo sida ay qortay jariirada The Sun on Sunday.

Chelsea iyo Manchester City ayaa la sheegayaa inay doonayaan inay heshiis ka gaaraan saxiixa xiddiga aan saldhigan ee weeraryahanka PSG, inkastoo ay qandaraaskiisa kooxda Faransiiska labo sannadood kaga harsan tahay.

Cavani oo 29 sanno jir ah ayaa qalbiga gashaday inuu tago Ingariiska ka dib seddex xilli ciyaareed uu joogay Faransiiska.

CAVANI_main_2713025a

Antonio Conte ayaa ugu cadcad shaqada tababare ee Chelsea, waxaana uu si weyn u jecel yahay xiddigii hore ee Napoli.

Xiddiga reer Uruguay ayaa sidoo kale ku haboon kooxda Pep Guardiola ee Man City isagoo raadinaya weeraryahan caawiya Sergio Aguero.

Manchester United ayaa muddo dheer jecleyd Cavani laakiin haddii ay ku hungoobaan inay u soo baxaan Champions League ayaa dhaawici karta fursadihii ay ku heli lahaayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip