Turkiga iyo Ruushka oo heshiis xabbad joojin ah gaaray Xiisadda Suuriya

0
Friday March 06, 2020 - 19:36:44 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga iyo Ruushka oo heshiis xabbad joojin ah gaaray Xiisadda Suuriya

    Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka ayaa heshiis xabbad joojin ka gaaray xiisadda ka taagneyd gobolka Idlib ee dalka Suuriya. Heshiiska xabbad joojinta oo dhaqangalkiisa uu billaabmaya saqdi dhexe xalay xilliga dalka Suuriya wuxuu ka dhaqan g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka ayaa heshiis xabbad joojin ka gaaray xiisadda ka taagneyd gobolka Idlib ee dalka Suuriya. Heshiiska xabbad joojinta oo dhaqangalkiisa uu billaabmaya saqdi dhexe xalay xilliga dalka Suuriya wuxuu ka dhaqan galayaa Gobolka waqooyiga galbeed ee Suuriya ku yaalla ee Idlib ee ay xasaraadda ka taagneyd. Bishi la soo dhaafay ayay 36 askari oo Turki ah ay ku dileen weerar ay dowladda Suuriya ku soo qaadday Ruushkana uu gacan ka siinayey. Turkigana wuxuuna jawaab xooggan u weerarkaasi ka bixiyey uu ku qaaday ciidamada Suuriya iyo maleeshiya ay isgarab sadaan. Dhacdadaasi ayaa ka dhalatay cabsi ah inuu dagaal ay ka dhex abuurto Turkiga iyo Ruushka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip