Hay'adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo la kulmay madaxda ugu sareeysa ee Galmudug.

0
Friday March 06, 2020 - 19:08:57 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo la kulmay madaxda ugu sareeysa ee Galmudug.

    Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo wadatshi ah la qaatay Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Galmudug, Wafdiga oo isugu jira masuuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo wadatshi ah la qaatay Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Galmudug, Wafdiga oo isugu jira masuuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxa ay madaxda iyo shacabka Galmudug ka talogelinayaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dastuurka.

Wafdiga oo kolkii hore la kulamay Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay warbixin ka siiyeen halka ay marayaan howlaha dib-u-eegista dastuurka.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxmed Nuur Gacal iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Amiira Faandhe ayaa si wadajir ah ugu bogaadiyay howlaha ay hayaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyaga oo u ballanqaaday wadashaqeyn iyo iskaashi.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Sen Cabdiqaybdiid ayaa u sheegay Golaha Baarlamaanka Galmudug inay ka faa’ideystaan kulankan islamarkaana taladooda ku biiriyaan dhameeystirka dastuurka KMG ah.

Si taa lamid ah, Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka waxa ayna ka doodeen qodobo dhowr ah oo dib-u-eegis lagu sameeyay iyo arrimaha masiiriga ah ee ku jira dastuurka.

 

Dhanka kale, Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Ariimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa waxa ay galabta kulan wadatashi ah la yeesheen Golaha Wasiirka ee Galmudug ee uu hormuudka u yahay Madaxwenayha Cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaana Wasiirada Galmudug loo soo bandhigay arrimaha masiriiga ah ee u baahan in dowladda federaalka iyo dowlad goboleeedyada ay heshiis siyaasadeed ka gaaraan iyo guud ahaan howlaha dhameeystirka dastuurka oo gebogebo ku dhow.

Madaxweynaha Galmdug Mudane Axmed Qoorqoor ayaa uga mahadceliyay wafdiga hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka safarka shaqo ee ay ku joogaan Dhuusamreeb waxa uuna sheegay in Galmudug kasoo kabaneyso dib-u-dhacydii ku dhacay islamarkaana ay door lixaad leh ka qaadan doonto dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu cadeeyay in Golaha Wasiirada Galmudug ay sida ugu dhakhsiyaha badan talooyinkooda ku saabsan dhib-u-eegista dastuurka ay u soo gaarsiin doonaan Wasaaradda iyo labada Guddi.

Wasiir Salaax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa yiri "Waxa aan marka hore ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta gobonimada leh ee ay noo sameeyeen madaxda iyo shacabka Galmudug, waxa aan halkan u joognaa howl masiiri ah oo Soomaaliya muhiim u ah; Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in waqtigii loo asteeyay lagu dhameeystiro dastuurka iyada oo xoogga la saarayo la-tashiga dadweynaha iyo ka qaybgal loo dhanyahay oo maanta aanu Galmudug u joogno”.

Ugu dambayn, Gudoomiye Sen Cabdiqaybdiid ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku wareejiyay nuqul kamid ah qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay waxaana wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Saalax Jaamac ay kulamo la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug si taladooda loo dhageeysto ugana qaybqaataan dhameeystirka dastuurka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip