SAWIRRO: Khayre oo ka qaybgalay munaasabadda abaal marinta sanadlaha ee ganacsiga

0
Friday March 06, 2020 - 18:56:29 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Khayre oo ka qaybgalay munaasabadda abaal marinta sanadlaha ee ganacsiga

    Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho uga qaybgalay munaasabadda abaal marinta sanadlaha ah ee ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ballanqaaday in dowladdu ay ganacsatada kala shaqeynayso horumarinta ganacsiga. "Aragtida a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho uga qaybgalay munaasabadda abaal marinta sanadlaha ah ee ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ballanqaaday in dowladdu ay ganacsatada kala shaqeynayso horumarinta ganacsiga. "Aragtida aan ganacsatada ka qabo waxa ay tahay inay dalka ay usoo shaqeeyeen, samata bixiyeenna xilli dalka ay dhibaata ka jirtay iyaga oo u dul qaatay dhibaatada jirtay. Dhaqanka ganacsatada Soomaaliyeed waxuu waligiis ku saleynaa aaminaad, waxuuna ka madax bannaanaa musuq maasuq, waana dhaqan aan dunida inteeda ka jriin oo dadka Soomaaliyeed ay ku amaananyihiin." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. "Waxaa lasoo gaaray xilli ganacsatada Soomaaliyeed ayan ka maarmin inay helaan dowlad xoog leh oo ay aamini karaan, shaqeyneysana. Waa lasoo dhaafay waqtigii ganacsatadu ay dowladda ka baqi jireen, waa lasoo dhaafay waqtigii dowladda fahamkeedu uu liitay oo aaney fahmeyn awoodda uu leeyahay ganacsigu. in ganacsatada loo fududeeyo ganacsiga, laga qaado qabadaha hor yaalla si ay canshuurta u bixiyaan, canshuurtaas la bixiyayna iyada oo aamin ah loogu adeego ummadda Soomaaliyeed waa sida kaliya ee dowladnimadeennu ku hir-geli karto." Ayuu raaciyay Ra'iisul Wasaaruhu. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale waxuu sheegay in deyn cafintu ay meesha ka saareyso caqabadihii ku gudbanaa ganacsatada iyo dadka doonaya inay maal gashadaaan dalka. Khayre ayaa caddeeyay in dowlad aan ganacsatadeeda wanaajin ayan ummaddeeda wax u qaban karin sidoo kalana ganacsato aan dowladdeeda la shaqeyna aysan gaareyn horumar ganacsi oo ballaaran, waxuuna ku baaqay in ganacsatada iyo dowladdu ay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka iyo qaabkii ummadda Soomaaliyeed looga faa'iideyn lahaa fursadaha ka dhalanaya deynta dalka laga cafinayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip