Khayre oo daahfuray munaasabadaha weyneynta ee maalmaha xoriyadda (SAWIRRO)

0
Friday March 06, 2020 - 18:54:20 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khayre oo daahfuray munaasabadaha weyneynta ee maalmaha xoriyadda (SAWIRRO)

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay daahfuray munaasabadaha weyneynta xuska 60 sano guurada xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Beerta Qarannimada ee Xafiiska. Ra'iisul Wasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay daahfuray munaasabadaha weyneynta xuska 60 sano guurada xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Beerta Qarannimada ee Xafiiska. Ra'iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in of kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo inuu ka dhabeeyo himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyay xornimada dalka oo doonayay in dalka Soomaaliya uu kamid noqdo dalalka ugu horreeyay dunida. Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiro Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin kale ayaa Ra'iisul Wasaaruhu sidoo kale ka sheegay in Soomaaliya ay soo ceshan karto sharaftii ay dunida ku laheyd, haddii dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyan. Xasan Cali Khayre ayaa4-tii bishii January waxaa uu magacaabay guddiga guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda dalka oo shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020. Xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya, oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip