Dowladda Sacuudiga oo joojiyay in la booqdo Xarameynka

0
Thursday March 05, 2020 - 15:35:02 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga oo joojiyay in la booqdo Xarameynka

    Shacabka Sacuudiga ayaa laga mamnuucay inay ku soo cumreystaan Xaramka cabsida laga qabo faafidda cudurka Corona awgii, sida ay sheegtay dowladda Boqortooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Sacuudiga ayaa laga mamnuucay inay ku soo cumreystaan Xaramka cabsida laga qabo faafidda cudurka Corona awgii, sida ay sheegtay dowladda Boqortooyada.

                 Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in go’aanka muwaadiniinta dalkaas looga mamnuucay cumrada uu yahay mid kumeelgaar ah.

                   Dowladda Sucuudiga waxay sidoo kale mamnuucday in booqasho lagu tego masjidka Nebiga ee ku yaal magaalada Madiina.

Dhawaan ayay aheyd markii Sacuudiga uu Muslimiinta dibadda ka imanaya ka mamnuucay cumrada si looga hortaggo caabuqa Corona.

                  Isniintii ayay aheyd markii Sacuudiga uu shaaca ka qaaday qofkii ugu horreeyay ee u ka dhacay cudurka Corona oo lagu arkay dalkaas, qofkaas ayaa ah muwaadin ka soo laabtay dhinaca Iiraan.



           Go’aanka lama filaanka ah ee kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa wuxuu walaac ku abuuray malaayin Muslimiin ah oo ku rajo weyn inay soo xajiyaan sanadkan.

                  Malaayin Muslimiin ah ayaa Sacuudiga gaara bisha Ramadaan si ay uga soo cumreystaan goobaha barakaysan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip