'Ciidamo ay Al-Shabaab ku qabsan rabeen Baardheere oo duqeyn lagu laayey'

0
Thursday March 05, 2020 - 14:42:06 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Ciidamo ay Al-Shabaab ku qabsan rabeen Baardheere oo duqeyn lagu laayey'

    Xalay saqdii dhaxe ayaa duqeymo iyo dagaal toos ah waxaa lagu qaaday xarumo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin degmooyinka Jilib, Bu'aale iyo Saakow ee gobalka Jubada Dhexe. Sida ay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda u shee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalay saqdii dhaxe ayaa duqeymo iyo dagaal toos ah waxaa lagu qaaday xarumo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin degmooyinka Jilib, Bu'aale iyo Saakow ee gobalka Jubada Dhexe. Sida ay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda u shee geen Caasimada Online, duqeymaha ayaa waxaa barbar socday dagaalo toos ah oo ay fuliyeen ciidamada Kumaa ndooska Soomaaliya, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyadoo nolosha lagu qabtay xubno Al-Shabaab ah.

         Sida ay sheegeen saraakiisha, goobaha la duqeeyay ayaa ahaa xarumo ay dagan yihiin Al-Shabaab waxaana mid ka mid ah ku diyaarsanaa ciidamo ay Al-Shabaab u diyaariyeen in ay ku qabsadaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

     

 Sidoo kale, xarun duqeyn iyo dagaal toos ah laga fuliyay oo ku taalla Bu’aale, ayaa la sheegay in lagu soo qabtay xubno Al-Shabaab ah.

 

         

Si rasmi ah looma oga khasaaraha balse waxay saraakiishu sheegeen in ay ku dileen tobaneeyo Al-Shabaab ah qaarna ay nolasha ku soo qabteen.

Sida ay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda u sheegeen Caasimada Online, duqeymaha ayaa waxaa barbar socday dagaalo toos ah oo ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyadoo nolosha lagu qabtay xubno Al-Shabaab ah.



 

           Dadka degaanka ayaa sheegay in ay xalay maqlayeen dhawaaqa madaafiic culus iyo rasaas toos ah.

Weli Al-Shaabab arintaan kama hadlin, hase yeeshee waxaa muddooyinkaan si joogto ah ay duqeymo uga dhacayeen goobaha ay joogaan Al-Shabaab.


xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip