Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaarey degmada Diinsoor

0
Tuesday March 03, 2020 - 19:32:42 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaarey degmada Diinsoor

    Waxaa Goordhow gaarey degmada Diinsoor ee Gobolka Baay wafdi uu hogagaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey. Mas'uuliyiinta Maamulka degmada Diinsoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Goordhow gaarey degmada Diinsoor ee Gobolka Baay wafdi uu hogagaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey. Mas'uuliyiinta Maamulka degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas ayaa Garoonka Diyaaradaha degmada Diinsoor kusoo dhaweeyey Wafdiga Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen). U jeedada Madaxweynaha Koonfur Galbeed u tegay degmada Diinsoor ayaa Mas'uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada koonfur Galbeed waxaa ay ku sheegeen in uu ka qeyb geli doono Xaflad lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen. Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweynaha koonfur Galbeed inta uu ku sugan yahay degmada diinsoor uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo degmadaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip