Duqa Muqdisho oo shaaciyey caqabad kasoo wajahdey wadooyinka xiran

0
Tuesday March 03, 2020 - 09:41:36 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo shaaciyey caqabad kasoo wajahdey wadooyinka xiran

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in wadooyinka xiran ee Magaalada muqdisho ay sababtay in uu hoos u dhaco dhaqaalaha soo gala Maamulka Gobolka. Waxaa uu sheegay in Maamulka uu ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in wadooyinka xiran ee Magaalada muqdisho ay sababtay in uu hoos u dhaco dhaqaalaha soo gala Maamulka Gobolka. Waxaa uu sheegay in Maamulka uu hadda madaxda ka yahay uu kusoo aaday xilli kala guur ah,wadooyinka qaar oo lasii xiray tan iyo markii qaraxa lagu diley Eng Yariisow,tasina ay sababtay in dhaqaalaha soo gala Maamulka Gobolka Banaadir uu yaraado. Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu sheegay in degmooyinka qaar ee Gobolkan Banaadir aysan Maamulka Gobolka kasoo gelin wax dhaqaalo ah,hayeeshee Maamulka uu kabo,isaga oo tusaalo u soo qaatay degmada Shangaani. "Xili kala guur ah waan kusoo aadney,kala daadashadii soo gaartey Maamulka Gobolka Banaadir lagu daray jidadka xiran iyo duleedyada Muqdisho ay werar ba'an ku haayaan maleeshiyo beeleed ayaa keentay in uu yaraado dhaqaalo soo gala Maamulka Gobolka ayuu yiri" Guddoomiye Filish. Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) waxaa uu ka sheegay kulan uu la qaatey guddoomiye ku-xigeenada maamulada degmooyinka gobolka Banaadir. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip