Dowladda oo War kasoo saartey duqeymo ka dhacey Sh/Hoose

0
Tuesday March 03, 2020 - 09:38:04 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo War kasoo saartey duqeymo ka dhacey Sh/Hoose

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisey duqeymo dhinaca cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyey deegaanka Kuunya-Barow,isaga oo kaashana Ciidanka Dowladda Soomaaliya. War-Saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisey duqeymo dhinaca cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyey deegaanka Kuunya-Barow,isaga oo kaashana Ciidanka Dowladda Soomaaliya. War-Saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeymahaas oo labo ahaa lagu diley Xubin ka tirsan Al-Shabaab laguna dhaawacay laa kale.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Shalay Galabtii oo ay Maarso ahayd 2, 2020 ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka qaaday labo duqeyn oo lagu beegsaday Xubno Shabaab ah nawaaxiga Kuunyabarrow ee gobolka Shabellada hoose.

Duqeyntaan ayaa lagu dilay hal Alshabaab ah, halka lagu dhaawacay labo kale. Duqeymaha noocan ah ayaa tusaale cad u ah sida ay uga go’antahay Dowladda Soomaaliya iyo Bahwadaagteeda Mareykanka in ay ku baabi,iyaan kuwa shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan dhibaatada u geysanaysa.

Hoggaanka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in weeraradooda ay kaalinta koowaad la beegsanayaan Dowladda Soomaaliya, bahwadaageeda Geeska Afrika iyo Dowladda Mareykanka iyo danaheeda ee aduunka ku firirsan ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka dowladda.

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in Hubin ay sameeyeen DFS iyo jaalkeeda Mareykanka ayaa tibaaxaya in cid shacab ah aysan waxba ku noqon duqeymihii shalay dhacay.

Dowladda Mareykanka iyada oo kasoo baxaysa dawrkeeda ka saaran dadaalada caalamiga ayaa Ciidanka AFRICOM iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin ee Mareykanka ku gacansiinayaan Dowladda Soomaaliya dadaaladeeda ku aadan ka hortagga iyo xakameynta ururrada argagaxisada in ay soo abaabulaan kharbudaad baaxad leh.

Dadka Soomaaliyeed way ka soo horjeedaan Alshabaab iyo falalkooda gurracan ee ay ku gaboodfalayaan shacabka aan waxba galabsan ayaa lagu soo geba gabeeyey War-Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip