Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan degmada Diinsoor

0
Tuesday March 03, 2020 - 09:36:42 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan degmada Diinsoor

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa lagu wadaa in uu Maanta tago degmada Diinsoor oo kamid ah degmooyinka Gobolka Baay. Saacadihii la soo dhaafay waxaa Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay gaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa lagu wadaa in uu Maanta tago degmada Diinsoor oo kamid ah degmooyinka Gobolka Baay. Saacadihii la soo dhaafay waxaa Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay gaarey Xubno ka socda Madaxtooyada koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha koonfur Galbeed. Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in u jeedka Safarka Madaxweyne laftagareen ay tahay in uu ka qeyb galo Xaflad lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen Golaha deegaanka Degmadaas. Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweynaha koonfur Galbeed inta uu ku sugan yahay degmada diinsoor uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo degmadaas. Ammaanka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa aad loo adkeeyey,waxaana wadooyinka qaar la suray Boorar uu ku sawiran yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip