Wasiir Beyle oo saxiixey heshiis ku saabsan Deyn Cafinta Somalia

0
Tuesday March 03, 2020 - 09:32:03 in Wararka by
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle oo saxiixey heshiis ku saabsan Deyn Cafinta Somalia

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif oo kala saxiixday Heshiiska cafinta daymaha Bangigu ku leeyahay dalka Soomaaliya Heshiiskaan oo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif oo kala saxiixday Heshiiska cafinta daymaha Bangigu ku leeyahay dalka Soomaaliya Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaaa go'aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February waxaa Soomaaliya looga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar. Wasiirka Maaliyadda ayaa saxiixa kadib yirri "Waa maalin kale oo taariikhi ah, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan, waxaan saxiixnay heshiiska Deyn Cafinta qeybta Bangiga Horumarinta Afrika, AFDB." "Tilaabo kasta oo guul ah oo aan gaarnay waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha, R/Wasaaraha, ummadda Soomaaliyeed iyo saaxibada Caalamka ee na garab istaagay" "Dadaalka Dowladda Soomaaliya waa uu sii soconaya inta isku filnaasho aan ka gaareyno" sidaasi waxaa yirri wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in heshiiskani ay ku taageerayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiiragalinta dib u habeynta hey'adaha maaliyadda oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wado. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip