DF oo ku goodisay in ciidankeedu ay gudaha u geli doonaan Kenya

0
Monday March 02, 2020 - 20:13:13 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo ku goodisay in ciidankeedu ay gudaha u geli doonaan Kenya

    Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno dagaalkii maanta ka dhacay dhanka koonfureed ee degmada Beled-Xaawo ayaa sheegaya in haatan uu qaboobey, wallow weli xuduuda laga maqlayo rasaas teel-teel ah. Dagaalkaas oo u dhaxeeyey ciidamo ka tirsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno dagaalkii maanta ka dhacay dhanka koonfureed ee degmada Beled-Xaawo ayaa sheegaya in haatan uu qaboobey, wallow weli xuduuda laga maqlayo rasaas teel-teel ah. Dagaalkaas oo u dhaxeeyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo kuwo taabacsan Jubbaland oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa xoogiisu waxa uu ka dhacay xero ciidan oo ku taalla deegaan lagu magacaabo BB1 oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo goor dhaw la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay xadka ay wadaagaan labada dalka, isla markaana cidda lasoo weeraray ay tahay ciidamada dowladda, haatana ay iska difaacayaan weerarradaas uga imaanaya dhanka Kenya.

Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in ciidamada dowladda Kenya ay qeyb ka ahaayeen weerarka lagu soo qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya,"Ciidankan waxay difaacayaan xuduudda, weli toos uma gelin gudaha Kenya, balse halkaas ayaan ugu tageynaa oo ugu galeynaa, intii shacabka madaafiic lagu garaaci lahaa,” ayuu yiri.

Dadka ku nool magaalada Beled-Xaawo ayaa KNN u xaqiijiyey in madaafiic xoog leh ay ciidamada Kenya ku garaaceen qeybo badan oo ka tirsan magaalada, taas oo ay kasoo gaartay khasaare naf iyo maalba leh.

Inta badan dadkii ku noolaa magaalada Beled-Xaawo ayaa ka qaxay magaalada iyagoo duurka maciin biday in ay ku noolaadaan magaalada lagu garaacayo madaafiicda aan bartilmaameedka laheyn ee ka imaanaya dhanka magaalada Mandheera.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip