Kuuriyada Koonfureed oo la timid farsamo fudud oo lagu baaro Caabuqa Corona

0
Monday March 02, 2020 - 19:56:08 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Koonfureed oo la timid farsamo fudud oo lagu baaro Caabuqa Corona

    Kuuriyada Koonfureed, oo ah waddanka labaad ee Shiinaha kaddib uu saameynta ugu weyn ku yeeshay Caabuqa Corona ayaa la yimid fikrad si sahlan dadka looga baari karo xanuunkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Koonfureed, oo ah waddanka labaad ee Shiinaha kaddib uu saameynta ugu weyn ku yeeshay Caabuqa Corona ayaa la yimid fikrad si sahlan dadka looga baari karo xanuunkan.

     Inta badan gobolada dalkaas ayaa laga furay goobo dadka gaadiidka wata ay isku baari karaan iyagoo aan gaarigooda ka dagin.

Adeeggan, oo loo yaqaanno "Drive Thru”, ayaa inta badan lagu yaqaannay makhaayadaha mashquulka ah iyo meheradaha kale ee laga dukaameysto.

              Qaar ka mid ah khubarada dhinaca caafimaadka ee caalamka ayaa sheegay in habka dardarta ku socda ee ay Kuuriyada Koonfureed ku baareyso Caabuqa uu yahay mid saameyn leh oo ammaan mudan.

                   Waxay sheegeen in awoodda ay Kuuriyada Koonfureed u adeegsatay la tacaalista cudurkan cusub ay tahay mid aad u baaxad weyn oo ka wax tar badan dhammaan dalalka kale, oo uu ku jiro Mareykanka.

              Ku dhawaad 70,000 oo ruux ayaa isbuucii lasoo dhaafay gudaha Kuuriyada Koonfureed looga baaray xanuunka loo bixiyay Covid-19.

Dalka Japan ayaa tirada baaritaanka ee uu ilaa xilligaas sameeyay lagu sheegay qiyaastii 1,890, halka Mareykankana uu gaaray 445 baaritaan oo kaliya, sida ay sheegtay warbaahinta ABC.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip