Video: Ugaaska BEESHA MAREEXAAN oo raali gelin u diray beesha Mudullood

0
Monday March 02, 2020 - 18:48:56 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Ugaaska BEESHA MAREEXAAN oo raali gelin u diray beesha Mudullood

    Ugaas Maxamed-Weli oo ah ugaaska beesha Mareexaan ayaa beesha Mudullood ka raali geliyey hadal uu dhowaan ka jeediyey dood uu u qabtay TV-ga Somali Cable, Ugaaska, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugaas Maxamed-Weli oo ah ugaaska beesha Mareexaan ayaa beesha Mudullood ka raali geliyey hadal uu dhowaan ka jeediyey dood uu u qabtay TV-ga Somali Cable, Ugaaska, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno.

Ugaaska oo u waramay TV-ga Universal ayaa sheegay in hadalkii uu horay u jeediyey oo ay dhibsatay beel weynta Mudullood uu ka raali gelinayo.

                 Hadalka uu raali gelinta ka bixinayo Ugaas Maxamed Weli ayuu ku yiri, "Shirka beesha Mudullood waa shir qabiileysan, tusaale ayaan ku siinayaa siyaasiyiinta Mudullood ee dowladda kasoo horjeeda waa niman qabiileysan oo awood, deegaan iyo hujuum ku jira, tusaale Sheekh Shariif afartii sano ee Madaxweyne Xasan ma uusan hadlin, dowladaana laba sano iyadoo gaarin ayuu mucaarad ku bilaabay. Xasan sidoo kale, waxay bilaabeen shirar iyo dhaar, marka shirarkaan ay wadaan Xasan, Shariif iyo Cali Mahdi waa kuwo qabiileysan” ayuu xilligaas yiri ugaaska beesha Mareexaan.

                 Ugaaska ayaa sidoo kale doodii uu habeenkaas ka qeyb galay ka sheegay in siyaasiyiinta qabiileysan ee hoggaaminta dalka ku wareeray aysan xal u heyn umadda Soomaaliyeed, isagoo hadalkiisa ku xusay in taasi ay tahay risaalo uu umadda Soomaaliyeed u diraayo, sida uu hadalka u dhigay.

Caawa ayuu sheegay Ugaas Maxamed Weli in haladkaas uu u weday madaxdii hore ee dalka, isagoo sheegay in madaxdu aysan aheyn qabiil gaar ah, balse hadkii ka soo yeeray habeeno ka hor uusan si ula kac ah ugu jeedin beesha Mudullood.

       

      "Hadalkeygii la dhibsaday oo qabiilka weyn ee Mudullood uu dhibsaday, aniguna ugaas Maxamed Weli aan ahay ma gar naqsan karno, waxaan rabaa walaalehey in ay raali ahaadaan, anigu hadalkaas kheyr uunbaan ula jeeday niman madax dalka kasoo noqday ninka madaxda ahna umadda ayuu u wada dhexeeyaa, isma laheyn Mudullood halkaas ayey ka gaareysaa, wax kasta oo dhacayna khaladkaas aniga ayaa qaatay Mudullood waxaan leeyahay raali ahaada walaaleheyow”ayuu yiri Ugaaska beesha Mareexaan.

           Ugaaska oo sii hadlayey ayaa yiri, "Waan ogahay waxa aan u dhimanayo waana madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxa aan ku qabo iyo waxa naga dhexeeyana Alle ayaa og, dadkuna waxa ay aaminsanyihiin waxa aan u dhimanayo, marka ‘Jisadeyda Eebaan kasugi galaba waajaade’ mar kale waxaan leeyahay walaalehey Muduloodow raali ahaada”.

Halkan ka Daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip