Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug'' heshiis ayaan gaarnay Annaga iyo madaxweynihii hore Xaaf

0
Monday March 02, 2020 - 23:02:56 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug'' heshiis ayaan gaarnay Annaga iyo madaxweynihii hore Xaaf

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in tan iyo markii loo doortay xilka hoggaanka sare ee Galmudug waddeen dadaallo la doonayay in lagu xiliyo khilaafka iyo tabashada qaar ka mid ah madaxdii hore ee Galmud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in tan iyo markii loo doortay xilka hoggaanka sare ee Galmudug waddeen dadaallo la doonayay in lagu xiliyo khilaafka iyo tabashada qaar ka mid ah madaxdii hore ee Galmudug. Isaga oo wareysi siinayay Idaacada VOA ayuu sheegay in ay ku guuleystay heshiis ay la gaaraan madaxweynihii hore ee dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo muddo dheerba ka soo horjeeday hannaankii loo maray doorashadii Dhuusa-Mareeb. ''Guud ahaanba khilaafkii naga dhaxeeyay Annaga iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf waa la xaliyay dhawaanna waa la shaacin doonnaa'' ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug. Mar uu soo hadal qaaday dhinaca hoggaanka Ahlu Sunna ayuu sheegay in dhowr jeer oo hore oo leysku dayay in heshiis laga gaaro lagu fashilmay, hasse ahaatee ugu danbeyntii leys afgartay, isaga oo intaa raaciyay in wixii caqabado ahaa ee ka jiray Galmudug soo dhamaadeen. Hadalkan ayaa imanaya xili hoggaanka sare Ahlu Sunna ku dhawaaqeen in ay dhamaanba ka tanaasuleen arrimihii siyaasadda Galmudug, Dowladda Soomaaliyana ku wareejiyeen guud ahaanba Amniga deegaannada Dowlad Gobolleedka Galmudug. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip