Jarmalka oo lagu qabtay 'koox weerari rabtay masaajid'

0
Monday February 17, 2020 - 18:48:35 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka oo lagu qabtay 'koox weerari rabtay masaajid'

    Xubno ka tirsan kooxaha midigta fog ee dalka Jarmalka ayaa la xiray kaddib markii ay qorsheynayeen inay weeraraan masaajid, siyaasiyiin iyo dadka magangelyo doonka ah, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalkaas. Xubnahan oo gaarayo ilaa 12 q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka tirsan kooxaha midigta fog ee dalka Jarmalka ayaa la xiray kaddib markii ay qorsheynayeen inay weeraraan masaajid, siyaasiyiin iyo dadka magangelyo doonka ah, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalkaas. Xubnahan oo gaarayo ilaa 12 qof ayaa waxay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Der harte Kern, waxaana xabsiga la dhigay Jimcihii. Qof kale oo ka tirsanaa kooxdan ayay booliska ku raad joogaan, sida uu ku warramay wargeyska Welt am Sonntag. Jarmalka waxaa kusoo batay dadka taageero kooxaha midigta fog gaar ahaan waxaa laga taageera deegannada bariga dhaca. Mas'uuliyiinta Jarmalka waxay wadaan howlgallo lagu raadinayo dadka ka tirsan ururka midigta fog kaddib dilkii loo geystay siyaasi u dhashay dalkaas iyo weerarkii lagu qaaday goob ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuudda ah sannadkii lasoo dhaafay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip