Gudoomiyaha Guurtidda"hadii uu Farmaajo soo raaco Abiy dili mayno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin''

0
Sunday February 16, 2020 - 17:14:27 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Guurtidda"hadii uu Farmaajo soo raaco Abiy dili mayno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin''

    Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Ra'isal wasaaraha Itoobiya in badan ku celceliyey inuu Hargeysa imanayo isagoo uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, taas oo dawladda Soma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Ra'isal wasaaraha Itoobiya in badan ku celceliyey inuu Hargeysa imanayo isagoo uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, taas oo dawladda Somaliland diidan tahay. Saleebaan Maxamuud Aadana ayaa xusay in madaxweyne Biixi mar walba ku celinayey inaanu madaxweyne Farmaajo soo raacin, haseyeeshee si kasta oo loogu sheegay kama quusan ee waxa uu doonaya inay isa soo raacan. "Madax banaanideena waxa ku fadhiya waa Soomaaliya iyo dawladaha carbeed, Raisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay isa soo raacayaan madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynuhu wuu u sheegay in aanu imanin hadii uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya oo kun jeer buu u sheegay in aan la soo dhoweynayn hadii uu yimaado, markii madaxweynuhu soo noqday hadana waxa uu soo faray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waan imanaya Hargeysa anaga oo wada soconna, waxaanu leenahay Abiy ha noo keenin, Farmaajana waxaan leenahay ha noo iman, laakiin hadii isago oo xambaarsan yimaado maxaynu yeelaynaa, dee midna waynu soo dhoweyni midna soo dhoweyn mayno, ilayn inaga daaya uun baynu haynaaye, hadii uu la yimaado dili mayno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin ee nin soomaaliyeed oo Abiy la socda uun ha noqdo."ayuu yidhi gudoomiyaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Ra'isal wasaaraha Itoobiya ku dhegan yahay inuu soo raaco madaxweynaha Soomaaliya, taas oo xukuumaddu dhawr jeer ku celcelisay in aanay raali ka ahayn imaanshihiisa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip