Maxkamad ku taalla Garowe oo Xukun ku riday nin kufsi geystay

0
Saturday February 15, 2020 - 18:50:01 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad ku taalla Garowe oo Xukun ku riday nin kufsi geystay

    Xeerilaaliyaha Maxkamada Nugaal Maxkamadda derejada koowaad ee Garoowe ayaa shanno oo xabsi ah, $1,000 oo ganaax ah iyo meheru misli ku xukuntay, Nin lagu heley kusfi, sida uu sheegey Xeer-ilaaliye kuxigeenka Puntland, Maxamed Xareed. Waxaa uu shee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerilaaliyaha Maxkamada Nugaal Maxkamadda derejada koowaad ee Garoowe ayaa shanno oo xabsi ah, $1,000 oo ganaax ah iyo meheru misli ku xukuntay, Nin lagu heley kusfi, sida uu sheegey Xeer-ilaaliye kuxigeenka Puntland, Maxamed Xareed. Waxaa uu sheegay ninkaan dacwadiisa ay socotay maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana maanta ugu dambeyntii xukunkaan lagu riday. Xeer-ilaaliye kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegey in muddo tobaad ah dib loo dhigey kiiska Hodon oo ahayd gabadh sannadkii hore lagu dil iyo kufsaday loogu gaystay Garoowe. Maxkamada Derejeda koowaad ee gobolka Nugaal oo saaka la horkeenay 18 eedaysane oo ku eedaysan kiisas kala duwan ayaysan kasoo muuqan garyaqaano difaacaya eedaysanayaashaasi. laba kamid ah oo qirtay inay galeen falka lagu eedeeyey oo ahaa Mobile furasho iyo dhaawac geysasho ayaa maxkamadu ku xukuntay 2 sano oo xarig ah iyo ganaax $1000 (Kun dollar ) ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip