Faahfaahin ka soo baxaysa wiil Soomaali ah oo iska dhigay gabar oo lagu xirey Turkiga

0
Saturday February 15, 2020 - 18:24:14 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin ka soo baxaysa wiil Soomaali ah oo iska dhigay gabar oo lagu xirey Turkiga

    Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay baaritaan ku hayaan wiil Soomaali ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Ankara kadib markii uu soo xirtey dharka dumarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay baaritaan ku hayaan wiil Soomaali ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Ankara kadib markii uu soo xirtey dharka dumarka.

Wiilkan Soomaaliga ah oo la yiraahdo Ibraahin Maxamed ayaa la qabtay isagoo ku safraya dukumintii ay leedahay gabar Soomaali ah oo muuqaal ahaan isku ekeeysiiyay.

Sidoo kale Booliska ayaa qabtay gabadha lahayd baasboorka oo magaceeda lagu sheegay Khadiijo iyadoo dooneysay inay ka baxdo garoonka diyaaradaha magaalada Ankara.

Ninkan iska soo dhigay gabadha ayaa xirnaa dharka ay dumarka xirtaa sida goono, madaxana u saarnaa qamaar, waxa uu sidoo kale xirnaa jaakad, ninkan ayaana sidoo kale wajiga soo marsaday waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waddo walba u mara inay ku galaan dalalka Yurub iyagoo qaarkood mara badaha halka kuwo kalana ay isku dayaan inay ku dhoofaan dukumintiyo been abuur ah.

wiil soomaali ah oo lagu qabtay turkiga




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip