Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Dhuusamareeb iyo xiisad ka jirta

0
Thursday February 13, 2020 - 18:57:20 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Dhuusamareeb iyo xiisad ka jirta

    Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qarax ka dhacay goob ganacsi ay ku dhaawacmeen saddex ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qarax ka dhacay goob ganacsi ay ku dhaawacmeen saddex ruux.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxan iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay bam halka warar kalana ay sheegayaan in uu ahaa mid ka dhashay miinada dhulka lagu aaso.

Ciidamada ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa u qabtay dhowr ruux qaraxan,mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay.

Wararka kale ee ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in la xirey wadada isku xirta magaalada Dhuusamareeb iyo degmada Guriceel.

Gawaari ka soo baxday degmada Guriceel kuna soo jeeday magaalada Dhuusamareeb ayaa loo diiday inay u soo gudbaan magaalada iyagoo gawaaridaasina ay la socdeen dad doonayay inay ka qeybgalaan munaasabada caleema saarka Madaxweynaha ay ururka Ahlu Sunna u doorteen Galmudug.

Xiisad ka dhalatay wadada la xirey ayaa laga dareemaya magaalada Dhuusamareeb iyadoo la arkayo ciidamo badan oo gaaf wareegaya magaalada.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip