Duqa Muqdisho oo Casho sharaf sagootin ah u sameeyay Madax dhaqameed Soomaaliyeed+Sawirro

0
Wednesday February 12, 2020 - 23:06:35 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo Casho sharaf sagootin ah u sameeyay Madax dhaqameed Soomaaliyeed+Sawirro

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan casha sharaf sagootin ah u sameeyay Isimada Soomaaliyeed ee ka socday dowlad goboleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan casha sharaf sagootin ah u sameeyay Isimada Soomaaliyeed ee ka socday dowlad goboleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqameed, fannaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka. Qaar kamid ah isimada oo goobta ka hadlay ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay maamuuska ay u sameeyeen muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in Muqdisho ay tahay Caasimadda ummadda Soomaaliyeed. "Magaalada Muqdisho waa magaalada ummadda Soomaaliyeed, qofkaste oo ku hadla Afka Soomaaliga ayey magaaladiisa tahay maadama ay tahay Caasimadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed, waxaana waajib ka saranyahay qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah in uu door ka qaato xoojinta xasiloonideeda"ayuu yir duqa Muqdisho.

         




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip