Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharci muhiim ah

0
Wednesday February 12, 2020 - 23:04:45 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharci muhiim ah

    Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 38aad ee Kalfadhiga 6aad iyada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Kulanka waxaa ku wehliyay Guddomiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 38aad ee Kalfadhiga 6aad iyada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Kulanka waxaa ku wehliyay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Mowliid Xuseen Guhaad. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedkaan. Intaa kadib ayaa laguda galay Su'aalo waydiinta Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ee Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Sdioo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha iyo howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa Goalaha Aqalka Sare Akrinta 3aad ka hor akhriayay. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kamahad celiyey ansixinta sharcigaan. Waxaa Codeeyey 28 senatar, Cid ka a'amustay ama diiday majirin.



 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip