Xeer illaaliyaha Qaranka: Cid kasta oo dowladnimada ka soo horjeeda waa halis

0
Wednesday February 12, 2020 - 22:58:52 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer illaaliyaha Qaranka: Cid kasta oo dowladnimada ka soo horjeeda waa halis

    Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa ka hadlay arrimaha Garsoorka & Cadaaladda. Isaga oo ka hadlaayay shirka sanadlaha ee Garsoorka dalka, ayaa waxa uu sheegay cid kasta oo ka soo horjeesata nidaamka dowliga in gac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa ka hadlay arrimaha Garsoorka & Cadaaladda. Isaga oo ka hadlaayay shirka sanadlaha ee Garsoorka dalka, ayaa waxa uu sheegay cid kasta oo ka soo horjeesata nidaamka dowliga in gacan bir lagu qaban doono. Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa sheegay Hay,addaha Garsoorka inay u arkaan dadka ka soo horjeeda dowladnimada in loo arko cadow halis ah. "Cidkasta oo ka soo hor jeeda dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya, laamaha Caddaaladda waxay u arkaan halis iyo cadaw wiiqaya awoodooda."Ayuu yiri Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka. Hadalka ka soo yeeray Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa u muuqda mid lagu cabsigelinaayo dadka mucaaradsan dowladda Federalka Somaliya. Dowladda Somaliya ayaa waxa caburin xoog leh ku haysaa xubnaha mucaaradka ee naqdiya hanaanka dowladda Federalka Somaliya u maamusho dalka.

  


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip