Mareykanka oo dib u bilaabay taageeradii uu siin jiray Ciidanka Qaranka

0
Wednesday February 12, 2020 - 22:56:19 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo dib u bilaabay taageeradii uu siin jiray Ciidanka Qaranka

    Dowladda Mareykanka ayaa waxay xaqiijisay inay dib u bilowday toddobadkan qayb ka mid ah taageeradii, ay siin jirtay Ciidamada Dowladda Somaliya. Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanka dib u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa waxay xaqiijisay inay dib u bilowday toddobadkan qayb ka mid ah taageeradii, ay siin jirtay Ciidamada Dowladda Somaliya. Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanka dib u bilaabay bixin qayb ka mid ah kaalmadii tooska ahayd, ee uu ku caawinayay Ciidamada Dowladda. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in qaybta kaalmadan la siin doono guutooyin ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwooda Gobolka Shabellaha Hoose kula dagaalamaya maleeshiyada Al Shabaab. Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii 2017 hakad geliyay dhaqaalihii uu siin jiray Ciidamada Qalabka Sida, ka dib markii uu sheegay in musuq maasuqa uu ka jiro tiradii Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Gobolada Shabellooyinka. Hase ahaatee qoraalka maanta ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu kordhiyay hababka la xisaabtanka ee khayraadka deeq bixiye-yaasha. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Mareykanka dib ugu bilaabay bixinta qayb ka mid ah taageeradii tooska ahayd ee Ciidanka Xoogga Dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip